Tababaraha Man.United Oo Ka Hadlay Guuldarraddii Xannuunka Ku Reebtay

Hargeysa, (Aftahannews/Sports)-Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka hadlay kulankii ay guuldarrada xanuunka badan kala soo laabteen dhinaca kooxda Wolverhampton Wanderers markaas oo ay ka hadheen tartanka FA Cup-ka.

United ayaa ku dhibtootay inay la yimaadaan wax halis ah oo badan oo ay ku abuuraan goolka Wolves waana guuldarradii labaad oo xidhiidh ah oo soo gaadhay kooxda tan iyo magacaabistii Solskjaer oo bishii December shaqada ka bedelay Jose Mourinho.

Haddaba kaddib kulankaas oo Solskjaer la weydiiyay haddii uu wax farriin ah u dirayo jamaahiirta kooxdiisa ayaa sameeyay balanqaad ah inay kusoo laaban doonaan qaab ciyaareedkoodii kaddib marka laga soo laabto kulamada caalamiga ah.

45 Jirkan ayaa ugu horreynba hadalkiisa ku furtay “Diyaar ayaanu u noqon doonaa inaanu mar labaad socono kaddib kulamada qaramada”

“Man United bilaha April iyo May, Markasta waxaan raadinaynaa qaab ciyaareedkeedna, Ma sugi karayno loolanka kulamadan iyo habeenadan waaweyn sida marka ay Barcelona noo imanayso, Waxaanu haysanaa waxyaabo badan oo aanu rajayno”

Khadar Jacayl