Somaliland:Jidadka Dilaaga Ah Ee Sharci Maamulin Maxaa Xal U Ah?

Hargeysa(Aftahannews)-Duleedka degmada Arabsiyo ee gobolka Gabiley waxa shalay ku dhintay laba ruux kadib markii ay isku dhaceen Booyad iyo gaadhi yar oo Suki-suki ah sida uu saxaafadda u sheegay guddoomiyaha gobolka Gabiley Xamse Xuseen Jaamac. Dadka dhintay ayaa ah wiil iyo gabadh la sheegay in ay u tabaabushaysanaysay arooskeeda.
Geesta kale 13 bishan waxa magaalada Hargeysa ka dhacay shil baabuur oo ay ku geeriyoodeen Hibaaq Cabdiqaadir Koosaar oo ahayd xaaska Siyaasi Cali Shoombe iyo Muxumed Saxardiid Ismaaciil. Waxa kale oo 12-kii bisha isla Hargeysa ku geeriyooday Sakariye Cawil Axmed oo 9 jir ah kana mid ah carruurta bilaa waalidka ah oo ay hay’adi koriso oo baabuur jiidhay.

 


Shilalka baabuurta ayaa si isa soo taraysa u sababa khasaare naf iyo maalba leh oo mushkilad weyn ku ah bulshada, islamarkaana sii kordhaya marba marka ka dambeysa kuwaas oo masuuliyiinta ciidanka nabad galyada waddooyinka iyo boolisku ku sifaynayaan mid aqoon darro dhanka darawaliinta ahi hor seedayso.
Sida ay boolisku warbixintoodii sanad laha ahayd ee bishii November 2018 ku sheegeen shilalka gaadiidka dhacay sanadkii 2018 guud ahaan waxay ahaayeen 3457 shil halka ay sanadkii 2017 ahaayeen 2585 Shil. Waxa ay sababaha shilka keenaya ku tilmaameen in ay ka mid yihiin
1. Korodhka tirada gaadiidka;
2. Xawaaraha sare ee ay ku socdaan gaadiidku
3. Xaaladda Waddooyinka
4. Taxadar darrada wadeyaasha gaadiidka
5. Is-dhaafka gaadiidka
6. Ku hadalka telefoonka ee wadeyaasha;
Dadka u kuur galay shilalka gaadiidka ee ka dhaca Somaliland ayaa aamminsan in baabuurta dhanka Isteerinku kaga yaallo iyo haadka ay maraan oo islahayni tahay sababta ugu weyn, islamarkaana loo baahan yahay in la joojiyo baabuurta noocaas ah ama haadka loo maro jihada hadda loo maro mooye jihada kale si ay isu yeeshaan baabuurta iyo haadka ay marayaan.
Waxa kale oo xal loo arka in bulshada lagu tababaro laguna maamulo in ay xidhaan suunka badbaadada (beelka) oo loo arko in 60% badbaadinayo qofka haddii shil dhaco maaddaama uu ka hor tagayo in qofku muraayadda hore ka baxo ama kursiga ka horeeya waxyeelo amaba uu kor u boodo.
Waxa kale oo habboon in ciidamada nabad galyada waddooyinku fuliyaan sharciga, islamarkaana la xakameeyo xawaaraha wadeyaasha maaddaama ay dawladdu dhaqaale ahaan u tahli la dahay dhismaha waddooyinka iyo calaamadahooda.
Jidadka ka baxsan magaalooyinka ayaa u muuqda kuwo aan sharcigu maamulin maaddaama aanay jirin awooddii ciidamadu kula socon lahaayeen marka laga reebo meelaha kaantaroollada ah.
Isbarbar dhig Shilalka
2018:-
Dhimashada ay sababeen shilalka gaadiidku waa 161 qof
Dhaawaca shilalku ay sababeen waa 2255
Waxa khasaare gaadiid noqday 1679
Khasaare soo gaadhay xoolo waa 118 neef
Khasaare dhisme iyo biro waxa noqday 15
Sanadkii hore ee 2017 shilalka dhacay
2585 shil
Dhimasho= 165
Dhaawac= 2043

Xigasho Waaberi