Muxuu Salka Ku Hayaan Dhalliilaha Dadban Ee Madaxweyne Biixi Iyo Guddoomiye Saleebaan?

Hargeysa(Aftahannews)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa muddooyinkii u dambeeyay is weydaarsanayay dhalliilo dadban.

Madaxweyne Biixi ayaa dhalliilo xooggan fagaareyaal badan uga jeediyay Golaha Guurtida ee guddoomiye Saleebaan hoggaamiyaha u yahay, taa bedelkeedana guddoomiye Saleebaan ayaa xukuumadda madaxweyne Biixi dhalliilo u jeediya.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa fagaareyaal dhawr ah oo uu ka soo hadal qaaday arrimaha doorashada waxa uu si weyn u dhalliilay Golaha Guurtida oo uu sheegay in ay noqdeen gole dhaxal ah “ Baarlamaanku(Wakiilladu) 15 sanno ayay fadhiyeen, Guurtidu waa dhaxal, dhaxal iyo dimuqraadiyadna isma qabtaan,” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne Biixi oo khudbad u jeedinayay jaaliyadda Somaliland ee Imaaraadka.

Isla maalinta guddoomiye Saleebaan oo mudaneyaasha guurtida hadal u jeedinayay ayaa sheegay in aanay dalka meel nooli jirin “Meel inoo nooli ma jirto meel walba dab ayaa inagaga qiiqaaya,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan oo intaasi raaciyay in colaad iyo qabyaalad wax laga qaban kari lahaa dalka dhib weyn ku hayaan.

Ka sakow eedaha Madaxweyne Biixi iyo guddoomiye Saleebaan ee u muuqda in ay biyo hoostood iska hirdayayaan Xildhibaan Cawil Dawiil Cismaan oo ka tirsan golaha Guurtida ayaa shalay shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in madaxweyne Biixi soo kordhiyay arrin ugub ah oo aanay madaxdii Somaliland soo martay la iman taas oo ah eedaynta golaha Guurtida.

Waxa uu sheegay in aanu madaxweyne Biixi waxba ka qaban arrimaha dalka marka laga reebo dhallinyarada shaqo Qaran oo uu ku tilmaamay carruur meel lagu xareeyay waxaanu tilmaamay in madaxweynuhu wali raadkii waxqabadka Siilaanyo hayo sida mashaariicda Imaaraadka.

Xildhibaanka oo tixraacaya khudbadihii madaxweyne Biixi ku dhalliilay Guurtida ayaa yidhi “Madaxweynuhu maalin dhawayd wuu hadlay, markasta oo uu hadlayana Golaha Guurtida wuu dhalliila, maalintii ciidanka halkii laga filayay in uu ciidanka mushaharka iyo darajo u kordhiyo Guurtida ayuu ku soo af-go’ay madaxweynihii dhammaa, markii uu ka hadlayay Imaaraadka Guurtida ayuu ku soo af-go’ay.”

Waxa uu intaasi ku daray “Madaxweynaha waxaan leeyahay golaha Guurtida xaal sii, goleyaasha faraha ka qaad; haddii aad doonayso in aad goleyaasha kala dirto siyaasad qabo baa loo baahan yahay ha isku dirin goleyaasha ee doorashadooda qabo iyaga iska tagiye, dawladaha hoose keen goluhu ha kuu sharci gareeyee qabo doorashadooda iyaga iska tagi doona kii soo noqonayana ha soo noqdee qabo doorashadooda gole la doortayna gole la doortay uun baa bedeli kara,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xildhibaanku waxa kale oo uu si adag u dhalliilay madaxweyne xigeenka Mudane Cabdiraxmaan Saylici oo uu sheegay in uu isaga laftiisu dhalliilo golaha laakiin, ay ahayd in uu doorashadooda qabto maaddaama uu ilaa xukuumaddii hore la shaqaynayay.

Ugu dambeyn madaxweyne Biixi ayaa u muuqda in uu ka maarmay doorkii firfircoona ee Guurtidu ku lahayd siyaasadda dalka, islamarkaana uu hal qabsiga dhalliisha dib u dhaca doorashooyinka ka dhigay golahan oo uu ku tilmaamo mid dhaxal tooyo noqday.

Xigasho Waaberi