Madaxweyne Biixi Oo Sheegay In Hab Qabyaaladeed Loo Codeeyay Doorashadii Madaxtooyada 2017-ka

Hargeysa(Aftahannews- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabd ayaa markii u horeysay sheegay in doorashadii uu kusoo baxay ee dalka ka dhacday ahayd mid ka fog dimuqraadiyadda, waxaanu sheegay inay ahayd mid qabyaaladi hadhaysay

Madaxweyne Muuse Biixi oo si saraaxad leh ugu warramayay jaaliyadda Somaliland ee dalka Imaaraadka ayaa sheegay in hab qabyaaladeed loo codeeyay doorashadii 2017, islamarkaana loo baahan yahay in arrintaasi laga koro doorashooyinka dambe.

 “Aad ayey inoo ruxday Doorashadii dambe , waxaanay inoogu ruxday Dimuqraadiyaddii ayaa qaybyaalad gashay ‘Si qabaliya ayuu codkii u dhacay nasiib darrona wey ahayd , waan qabaa in la waantoobo oo aanu meel inoo sii wadayn, arrintaa waa laga soo bogsanayaa waxay’se u baahantay in qaran ahaan laga gurmado oo dimuqraadiyadda iyo qabyaaladda la kala ilaaliyo , markaa sanadkan aad ayuu u dhib badnaa .”Ayuu yidhi..

Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa inkasta oo uu natiijada doorashada aqbalay haddana ku sheegay mid madmadow badan iyo wax isdaba marini hadhaysay. Madaxweyne Biixi oo dhawr jeer arrintaasi ka gilgilanaya mararka qaarna difaacaya Komishanka Doorashada ayaa doorashadii ugu wacnayd ku tilmaamay tii lagu doortay.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu walaac weyn ka muujiyay dimuqraadiyadda oo uu ku tilmaamay mid dadka kala qaybinaysa, islamarkaana colaad isu gelinaysa isaga oo tilmaamay in uu socdaal ku maray meelihii looga codeeyay xisbiga WADDANI dadkuna si gobonimo leh u soo dhaweeyay.