Gollaayaasha Deegaanka Oo Muddo Xileedkoodu Dhammaad Yahay

Hargeysa (Aftahannews)-Golayaasha Deegaanka dalka ayaa mudda xileedkii loo kordhiyey ay ka hadhsantay 12 maalmood oo qudha, kuwaas oo wakhtigoodii ku eegyahay 29 bishan maaraj ee aynu ku jirno,iyada oo la is waydiinayo waxa uu noqon doono mustaqbalka goleyaasha degaanka maaddaama aanay doorasho dhacayn.

Garyaqaan Guleed Axmed Jaamac (Guuleed Dafac) ayaa telefishanka Somalicable uga warramay aragtida dhanka sharciga eek ala dirista goleyaasha degaanka “Haddii kolkaa muddo xileedku ka dhammaado golaha Deegaanka doorashana ay dhici weydo waa inay ku wareejiyaan iyaguna ay dareeraan oo ay ka dareeraan golayaasha deeganada iyo Maayaradu xilka baneeyaan maaddaama muddadii ummaddu u dooratay ee cayinayd ay ka dhammaatay xilkana ay si ku simaha ah u siiyaan Xoghayaha fulinta ee Dowlada hoose inta doorasho ka dhacayso sidaas ayaa qaanuunku dhigayaa xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka .”

Waxaanu intaasi ku sii daray garyaqaanku “Sababta ay sidaas loo dhigayaana waxay ka imanaysaa laba arrimood, waa marka hore qof aan la dooran oo mudadiisii dhammaatay oo aan haysanin wakhti cayiman xilka ma sii joogi karro, waa marka labaad lama ogola madh-naansho iyo fakaag inuu yimaado, haddii xilka cidi ka tagto xilkii ma madhnaan karro ee waa inay cidi sii buuxisaa, markaa waa inuu ku sime sii ahaadaa xog hayuhu oo shaqada maalin laha ah sii wadaa.”Ayuu yidhi Guuleed Daafac

Dhana kalena Garyaqaanka ayaa sheegay in aanu Madaxweynuhu kala diri Karin golayaasha deegaanka dalka oo aanu awood u lahayn “Haddii wakhtigaagii dhammaaday waa in aad albaabka ka baxdaa ma jirto sabab aad u sii joogto Xoghayaha Dowlada Hoose ayaa qaban karra lamina kala diri karro, lamina ka diri karro , sababtoo ah kala diristu waxay noqon kartaa dhib kaloo culus oo aan distoorka waafaqsanayn, waayo golayaal shacabka oo dhami doortay Madaxweynuhu awood uma leh .”

 

Gunaanadkii Garyaqaanka ayaa sheegay in haddi aanay korodhsiimo kale helin golayaasha deegaanku oo uu wakhtigoodii dhammaaday inuu jidka kaliye ee u banaani uu yahay inay baneeyaan kuraasta  “Sida aynu hadda arragnona xaaladan oo kale hore somaliland umay soo marin golayaasha deegaanadii hore ee 2002 dhawr jeer ayaa loo kordhiyey golahan deegaanka hal mar ayaa loo kordhiyey , markaa muddo dheeraad ah oo korar siimo ah ayey ku joogaan, hadda koror siimo kale may hilin muddo xileedkii loo kordhiyeyna wey dhammaanaysaa ikhtiyaar aan taahay oo fureni habayaratee ma jirto .”