Xulka qaranka Bangladesh oo ka badbaaday weerarkii Masaajidka New Zealand

Hargeysa (Aftahannews)- Kooxda kubbadda Cricket-ka ee dalka Bangladesh ayaa si dirqi ah uga badbaaday weerarkii lagu qaaday masaajidka Christchurch ee dalka New Zealand, gaar ahaan masaajidka Al Nuur.

Maamulaha kooxda Khaalid Mascuud ayaa sheegay in ay masaajidka gaadheen 4 daqiiqo ka hor kooxda intii aanu dhicin weerarka, kooxdana ay masaajidka ku sugnaan lahaayeen wakhtigii uu dhacayay weerarka.

Wariye Maxamed Cisam oo ka tirsan taleefishinka ESPN ayaa sheegay in uu isagu la socday kooxda, ayna meesha ka baxsadeen markii ay rasaasta bilaabantay, iyaga oo ka baxay dhanka barkinka, kadibna ay sii carareen meel lagu badgalay.

“Ciyaartooyda waxa ay maqleen rasaasta, waxay ay arkeen dadka oo albaabka si halhaleel ah uga soo baxaya, qaarna baska ay hoos galeen” ayuu yidhi.

Kooxda ayaa la ciyaari lahayd xulka dalka New Zealand maalinta sabtida ah, taas oo hadda la joojiyay.

 

Source: BBC