Maraykanka: Soomaali lagu waayay xootooyo lacag dowladeed oo dhan $100 milyan

WASHINGTON. D.C (Aftahannews)- Guddi uu baarlamaanka gobolka Minnesota u saaray eedeymo qaar ka mid ah warbaahinta Maraykanka u jeedisay Soomaalida in ay dowladda ka lunsadeen lacag dhan $100 milyan oo doolar, kadibna lacagahaas lagu maalgaliyay Alshabaab ayaa sheegay in arrinkaas wax caddeymo ah loo waayay.

Taleefishinka FOX News ayaa sanado ka hor tabiyay in Soomaalida leh xarumaha lagu xanaaneeyo ubadka iyo dadka waayeelka ah ay lunsadeen lacag dhan $100 milyan oo doolar, kadibna lacagtaas loo diray kooxaha argagixisada sida Alshabaab.

Ilhaan Cumar ayaa laga soo doortaa gobolkan

Mahad Xassan oo ka tirsan dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha Soomaalida ayaa ka waramay warbixinta “Waxaa soo baxday in Soomaalida ayna lacag argagixiso u dirin, in lacagta boqol milyan ay ahayd been abuur, waxaa kale oo jirta in wax siyaasiyiin ah oo dhankaas naga caawiyay aanu jirin” ayuu yidhi Mahad.

Warbixinta oo ka koobnayd 69 bog oo baarlamaanka la horkeenay ayaase lagu sheegay in ay maqantahay lacag dhan 6 milyan oo doolar, hase yeeshee Mahad waxa uu sheegayaa in lacagtaas ayna Soomaali oo kaliya ku maqnayn.

Seynab Cabdullaahi Xaashi waxa ay ka mid tahay dadka leh xarumaha la eedeeyay midkood, waxayna sheegtay in xisbiga Jamhuuriga uu qorshahooda ahaa in ay doorashada ku galaan warbixintan .

Jaaliyadda Soomaalida ee Maraykanka ayaa aad uga banaanbaxay warbixinta, waxayna ku tilmaameen in ujeedka yahay in Soomaalida iyo dadka madoow la cunsuriyeeyo.

 

Source: BBC