New Zealand: Tirada Muslimiin Dad Hubaysani laba Masjid ku xasuuqeen

Hargeysa (Aftahannews)- Nin hubeysan ayaa dilay 49 qof, islamarkaana dhaawacay 48 kale kadib weerar argagixiso oo iyada oo lagu jiro salaaddii jimcaha lagu qaaday laba masjid oo ku yaalla dalka New Zealand.

Ninka fuliyey weerarkan oo ka dhacay magaalada Christchurch, ayaa si toos oo muuqaal ah ugu tabiyey Facebook, isaga oo cambaareynaya dadka muhaajiriinta ah, oo uu ugu yeedhay “duullaan.”

Dadkii masjidka ku tukunayey ayaa iyaga oo dhintay ama dhaawac ah waxay daadsanaayeen dhulka, sida ka muuqatay muuqaalka uu baahiyey ninka weerarka fuliyey.

Booliska ayaa sheegay in 41 qof lagu dilay masjidka Al-Noor, halka toddobada kale ay ku dhinteen masjid ku yaalla xaafadda Linwood, iyada oo qof kalena uu Cisbitalka ku geeriyooday.

Ra’iisal wasaaraha New Zealand, Jacinda Ardern ayaa sheegtay in dalka la geliyey heegankii amni ee ugu sarreeyey, waxayna ficilkan ku qeexday mid argagixiso.

Waxay sheegtay in la xidhay afar qof oo xagjiriin ah, hase yeeshee ayna hore ugu jirin liiska booliska.