Maxkamadda Sare Oo Gobollada Galbeed U Guurtay Muddo Bil Ah

Gabiley(Waaberi) Madaxda iyo shaqaalaha Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa u guuray gobollada Gabiley, Awdal iyo Salal oo ay muddo bil ah ku maqnaan doonaan, halkaas oo ay kuur gali doonan xaaladda caddaaladda ee dalka iyada oo durba shalay la sii daayay dad ku xidhnaa Gabiley.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Prof Aadan Xaaji Cali ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedada laga leeyahay in ay gabi ahaanba Maxkamaddu guurto “ Waxaanu iclaaminayna in maxkamaddii Sare u soo guurtay gobollada Galbeed ee Gabiley, Awdal iyo Salal muddo bil ku dhawna ay gobollada mari doonto. Sida aad la socotaan sanadadan dambe Maxkamadda sare waxay xoojisay maxkamadaha guurguura iyada oo ujeedadu tahay in garsoorka iyo caddaaladda la gaadhsiiyo iyo in garsoorkii loo dhaweeyo dadka. Maxkamadda sare waxay ka kooban tahay afar qaybood oo bil walba mid baxo marka sanadka oo dhan baanu wareegna laakiin, imika raritaankani waa maxkamaddii oo dhammaystiran oo aan cidi ka hadhin ujeedada  ugu muhiimsana waa in garsoorkii loo dhaweeyo bulshada.

Waxa kale oo ka mid ah in lagu soo garnaqo meelihii la isku haystay halkii maxkamaddu inta ay magaalada iska fadhiisato go’aan halkaa ku gaadhi lahaayeen in goobtii la tago oo beero, dhul bannaan, tuulooyin iyo dhul la isku haysto ah,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Aadan Xaaji Cali.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in inka badan 70 qof oo Maxkamadda sare ka socda u guureen gobollada Galbeedka kuwaas oo madaxda Maxkamadda sare, xeer ilaalinta, kaaliyeyaal, qareeno iyo hawl wadeeno kale isugu jira kuwaas oo tagi doona meel kasta oo gar ama dacwad ka jirto haddii ay tahay magaalooyinka, tuulooyinka iyo miyigaba.

Waxa kale oo uu sheegay in ay dhegaysan doonaan cabashada bulshada ee dhanka garsoorka iyo wixii ay cabasho ka qabaan shaqada masuuliyiinta garsoorka u qaabilsan gobollada dalka.