Ciidanka Liyuu Booliska Oo Dhaawacyo Gaadhsiiyay Masuuliyiin

Xaaji Saalax(Aftahannews) Ciidanka Liyuu Booliska maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa magaalada Xaaji Saalax ku jidh dilay laba masuul oo ka tirsan maamulka Degmada Gaashaamo, kuwaas oo ay dhaawac-yo kala duwan u geysteen, isla markaana loo qaaday dhaawacooda dhanka magaalada Jig-jiga ee caasimada Soomaalida Itoobiya .

Qaar ka mid ah dadka ku nool degmada Xaaji Saalax ayaa Wargeyska Waaberi u xaqiijiyey dhac-dadaasi ,waxaanay sheegeen in falkaasi uu dhaawac ka soo gaadhay guddoomiye ku xigeenka degmadda Gaashaamo Cabdillaahi Raygal iyo madaxii xafiiska ka hortaga iyo u diyaargarowga musiibooyinka ee Gaashaamo Muuse Xaamud, kuwaas oo u yimid xaaji Saalax hawlo shaqo

Dhan kale wararka aanu ka helayno Xaaji Saalax ,ayaa sheegay in dhaawac guddoomiye Xigeenka Gaashaamo Cabdillaahi Raygal loo qaaday dhanka magaalada Jigjiga, kaasi oo dhaawiciisa lagu dabiibayo halkaasi.

Ma jiro wax war ah oo amuurtan ku saabsan oo ka soo baxay Dowladda Soomaalida Itoobiya illaa hadda lamana garanayo sababta dhalisay in ciidanku ay jidh dilaan labadan masuul