Hargeysa, (Aftahannews)-Heesta midhaheedu yahay “Dadkan Dhawaaqayaa” waxayna tahay heesta lagu furo idaacadda BBC-da oo loo yaqannaanay “ Socodkii Arraweelo, heestan oo uu laxanka iyo codkaba saaray Abwaan Maxamed Maxamuud Xirsi “Cabdilaahi Qarshe, heestan waxa alifay Abwaan Xuseen Aw Faarax Dubbad, halka uu muusikadana uu tumay Row oo ahaa nin Hindi oo ka tirsanaa kooxdii walaaha Hargeysa, heestani waxay soo baxday 18-July-sannadkii 1957-kii, heestan taariikhda ku leh gobanimo doonka soomaaliyeed waa heesta hadda miyuusiggeedu astaanta u yahay laanta af-somaaliga ee BBC-da, waa hees murti xambaarsan oo duco iyo guubaabin ah oo ka hal-tebinaysa dareenka dadkii gobannimadoonka ahaa, Abwaan Xuseen Aw Faarax Dubbad kaalin lama illaawaan ah buu ku lahaa halgankii gobannimadoonka Soomaaliyeed iyo kii ka dambeeyay maamul-toosinta ”lamana qaadan xornimada markii la sameeyay midhaha.
Heestaasina waxay ahayd:
Dadkaan dhawaaqayaa,
Dhulkooda doonayaa
Haddey u dhiidhiyeen
Allahayow u dhiib
Waxaan la dhuubnahee,
Jidhkayga dhaaawacaan
Idiin dhamaynayaa
Dhego ma leedihiin
Misee dad dhoohanoo
Dhegeysan waanadoo
warkaygu dhaafayoo
Dhufaanan baad tihiin
Dhurwaaga meerayaa,
Haweenka dheddiga baa
Dagaal ka dhawrsadee
Dharaarta ay xun tahay
Maxaad u dhuumataan
Dhacaama jiirayaa
Dhereg ayuu sitaa
Dhurdaha duulayaa
Dhirtuu dalooshadaa
Malabka uu dhigtuu
Jilaalka dheer cuna
Qore :Garyaqaan Muxyadiin Maxamed Cabdi
Xigasho Waaberi