Bilyaneerka ugu da’da yar Dunida oo Magaceeda iyo Hantideeda la Shaaciyey

Kylie Jenner bilyaneerka ugu yar dunida 2019
Kylie Jenner bilyaneerka ugu yar dunida 2019

Aftahannews – Kylie Jenner ayaa noqotay bilyaneerka ugu da’da yar adduunka, sida laga soo xigtay liiska bilyaneeradda ee majaladda Forbes.

Kylie Jenner bilyaneerka ugu yar dunida 2019
Kylie Jenner bilyaneerka ugu yar dunida 2019

Gabadhan ugu da’a yar qoyska Kardashian ayaa hanti ka sameysay ka ganacsiga waxyaabaha la isku qurxiyo.

21-jirtan ayaa aasaastay isla markaana leh shirkadda Kylie Cosmetics, taasoo saddex sano jirtay, sanadkii horena iibkeeda lagu qiyaasay 360 milyan oo dollar.

Waxay bilyaneernimada ka hor gaartay milkiilaha Facebook, Mark Zuckerberg, kaasoo bilyaneer noqday isagoo 23 jir ah.

“Waxba ma aanan fileyn, iimana muuqan mustaqbalka,” ayay tidhi Kylie.

Aasaasaha shirkadda Amazon, Jeff Bezos, ayaa ah ninka ugu taajirsan adduunka, waxaana uu haystaa 131 bilyan oo dollar.

Tirada bilyanneerada caalamka ayaa hoos u dhacday sanadkan oo waxa ay noqdeen 2,153 oo qof halka sanadkii 2018 ay ahaayeen 2,208 oo qof. Dhammaan bilyaneerada liiska ku jira 252 oo keliya ayaa dumar ah.

Liiska maalqabeennadaasi waxaa ku jira 52 muwaadin oo u dhashay UK, waxaana ugu sarreeya walaalaha Hinduja, Srichand iyo Gopichand oo haysta adduun lagu qiyaasay 16.9 bilyan oo dollar.

Dalalka marka laga hadlayo, Maraykanka ayaa ugu bilyaneer badan oo waxa uu leeyahay 607 qof, halka Shiinaha oo kaalinta labaad ahna uu leeyahay 324 bilyaneer.

Xigasho BBC.