Qisadda Heesta; “DhaKhtar Baa Isu Keen Qorey..” Qallinka Khadar-Jacayl

Hargeysa (Aftahannews)-Fannaan Maxamed Cali Burco oo ka mid ah Fannaan aad looga jecelyahay geyigga Soomaaliddu degto. Islamarkaanna ku caan-baxay heesta Dhakhtar Baa Isu Keen Qoray oo uu sheegay inuu kaga kaga qayb-galay Tartankii Heesaha Hirgalay Sannadkii 1976-kii.

Fannaanku wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyey in Heesta Dhakhtar baa isu keen qoray iska kaashadeen laba Abwaan  oo aan is-aqoonin. Balse heesta  isu-dareen laba Abwaan oo kala ahaa: Abwaan Calanle Muuse oo Burco ku nool iyo Abwaan Nuux Warsame Geedi oo geeriyooday.

Fanaan Maxamed Cali Burco oo ah fannaan cod macaan baa innoo sharraxaya sidday ku timi heesta iyo Abwaankii curiyey“Heestan waxa baydkeeda koobaad iska leh  oo curiyey Abwaan Calanle Muuse Asal ahaan Heestaa waxa leh laba nin oo aan noloshooda is-arag, midna uu geeriyooday midna wuu nool yahay oo midba bay buu leeyahay heesta”Ayuu yidhi Maxamed Cali Burco wuxuuna hadalkiisii sii raaciyay “Anniga Abwaan Marxuum Nuux Warsame ka codsaday inuu heesta ku daro inta dhiman, isla markaana uu sidaa labada bayd ee dambe iigu sameeyey”

Fanaan Maxamed Cali Burco wuxuu xusay in qisadda heestu ku fadhiddo jacayl ku dhacay Abwaan Calanle “Abwaanka heesta sameeyey isagu qof dumar ah buu danaynayey sidaan afkiisa ka helay.Waxaanan aad u kala xusi Karin inay xaaskiisa ahayd oo 80% Jecelahay inuu igu yidhi Xaaskayga ayaan u sameeyey.”

Dhinaca kale Fannaanku wuxuu carabaabay Inuu isagu heesta laxameeyey, Musiganna uu ku ladhay Bacaluul.

“Haduu dhugasho geel qabo

Ma dhadhamiyo geedaa

Wuu gadaasha dhuubtaaye

Ana cudurka igu dhacay

Waa mid igu dhamaadoo

Waaba laygu dheeryoo

Ku dhadhabay aroosaan

Dhinacay isa saaree

Mal dhaayahaygaay

Calaf lagama dhuuntee

Kitaabaysu keen dhigay

Dhakhtar baysu keen qoray

Adna wali ma dhaadanid

Maydhanaanka geeliyo

Sida dhayda caanaha

Looma dhamo jacaylkoo

Laguma dhaashto caashaqa

Dhayal haw malaynine

Dhuuxiyo lafahiyo

Waa wax dhiiga kaa jaqa

Caafimaadka kaa jara

Mala dhaayahaygaay

calaf lagama dhuuntee

Kitaab baysu keen dhigay

Dhakhtar baysu keen qoray

Adna wali ma dhaadanid

Sida ruux la dhalaybaan

Kuu dhadhoodiyaayoo

Dhabta kugu hayaayoon

Dhibta kaa ilaashaa

Sida ruux dhalaanoo

Hurdo looga dhaartaa

Hadba dhinacyadiisiyo

Wadna kugu dhaweeyaa

Maladhaa yahaygaay

Calaf lagama dhuuntee

Kitaab baysu keen dhigay

Dhakhtar baysu keen qoray

Adna wali ma dhaadanid.

Khadar Jaamac Dirir (Khadar-Jacayl)

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.