HEMA Books oo ku guulaysatay Daabicidda Manhajka Maddarasadaha oo Wasaaradda Diintu Hirgelinayso

Guddiga Qandaraasyada qaranka Somaliland MADAXDA IYO SHIRKADAHA QANDARAASKA KU GUULAYSTAY
Guddiga Qandaraasyada qaranka Somaliland MADAXDA IYO SHIRKADAHA QANDARAASKA KU GUULAYSTAY

Hargeysa(aftahannews):- Guddiga Qandaraasyada Qaranka Somaliland, ayaa shaaciyey laba mashruuc oo qandaraaskooda ay Wargeysyada hore ugu baahiyeen oo kala ahaa; daabacaadda Manhajka Maddarasadaha Diiniga ah ee dalka oo hirgelinayso Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu iyo mashruuca labaad oo ah raashin loo iibinayo carruurta lagu hayo xarunta agoonta ee Maxamed Mooge, waxaana ku kala guulaystay Shirkadaha HEMA Books iyo Salaama General.

Guddiga Qandaraasyada qaranka Somaliland MADAXDA IYO SHIRKADAHA QANDARAASKA KU GUULAYSTAY
Guddiga Qandaraasyada qaranka Somaliland MADAXDA IYO SHIRKADAHA QANDARAASKA KU GUULAYSTAY

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Kulanka laga dhawaaqay labadan qandaraas cidda ku kala guulaysatay oo isniintii maanta ka qabsoomay xarunta Guddiga qandaraasyada qaranka ee magaalada Hargeysa, waxaa ka qaybgalay Guddiga ka sokow masuuliyiin ka socday Wasaaradaha Diinta iyo Shaqo-gelinta iyo Shirkadaha labadaas qandaraas ku tartamay.

WASAARADDA DIINTA GUDDIGA QANDARAASYADA IYO HEMA
WASAARADDA DIINTA GUDDIGA QANDARAASYADA IYO HEMA

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Nuux Maxamed Xuseen, ayaa shaaciyey labada shirkadood ee qandaraaska ku guulaystay, waxaanu yidhi; “Waxaannu maanta oo taariikhdu tahay 25-ka bisha 2-aad 2019-ka ku dhawaaqaynaa labada shirkadood ee ku guulaystay laba mashruuc oo aannu baahinnay oo kala ah; mashruuc ay soo gudbisay wasaaradda diinta iyo awqaafta oo ah daabacaadda manhajka maddarasada Qur’aanka ee dalka iyo mashruuca wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska oo ah mashruuca raashinka xarunta derbi-jiifka ee Maxamed Mooge.”

“Daabacaadda Manhajka Maddarasadaha Diiniga ah ee dalka waxa ku guulaystay HEMA Books, mashruuca labaad ee raashinka xarunta derbi-jiifka waxa ku guulaystay Salaama Genaral Traidin Company,” sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Nuux Maxamed Xuseen, waxaanu u soo jeediyey Shirkadaha guulaystay inay sida heshiiska qandaraaska ee ay shuruudihiisa buuxiyeen dhigayo.

Agaasimaha guud ee Guddiga Qandaraasyada Maxamed Axmed Xasan (Jabarti Saadle) oo sheegay inay qandaraaskan ku tartameen dhawr shirkadood, isla markaana ay ku kala guulaysteen labadaas shirkadood, ka dib markii sida uu tilmaamay ay buuxiyeen dhammaan shuruudihii looga baahna cidda qandaraasyadaas soo dalbatay.

Geesta kale, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland Aadan Cabdillaahi Cabdalla, ayaa isaguna halkaas ka hadlay, waxaanu ka warramay marxaladihii uu soo maray qorshahan Manhaj u samaynta maddarasadaha dalka ee wasaaradda diintu wadday. “Arrinta Manhaj u samaynta Maddarasadaha Diiniga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, waa arrin qaran oo muhiim ah, isla markaana taabanaysa da’yarteenna iyo guud ahaan waxa loo dhigayo ee diiniga ah,” ayuu yidhi Agaasime Aadan.

Madaxa Maamulka iyo Lacagta wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska Marwo Sabaad, ayaa iyaduna halkaas ka hadashay, waxaanay sheegtay inay soo dhawaynayso tartankan iyo sida uu u dhacay, isla markaana laga rabasho shirkadaha inay waajibaadka ay qaadeen siduu yahay uga soo baxaan oo ay iska jiraan dhalliilo ku soo noqda.

Cabdiraxmaan Nuur Cigaal oo ka tirsan masuuliyiinta shirkadda HEMA Books oo daabacda manaahinta kala duwan ee dugsiyada dalka lagu barto oo ay sannadihii u dambeeyey gacanta ku haysay, ayaa halkaas ka hadlay, waxaanu yidhi; “Annaga HEMA Books ahaan arrintani shaqo keliya nooma ah, laakiin waxaannu rabnaa inaannu ka qayb-qaadanno tayaynta waxbarashada Somaliland guud ahaan, waayo? In badan baannu ka soo shaqaynaynay waxbarashada, maantana tani waa hawl labaad iyo masuuliyad labaad oo nagu soo korodhay.”

“Guddiga qandaraasyadu waxay aqoon u leeyihiin wasaarad kasta iyo hay’ad kasta oo dalka ahi shaqaday qabato. Runtii siday u sharraxayeen arrinta manhajka ee aannu ku guulaysannay, runtii layaab bay nagu noqotay. Waxaan moodayey waraaqaha in qiimaha uun la kala saarayo, laakiin waxaannu aragnay inay barnaamijka oo dhan fahansan yihiin, taana aad baan ugu hambalyeynayaa guddiga,” sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan Nuur Cigaal.

Maxamuud Maal iyo Maxamuud Axmed Baarcad oo ka tirsan xubnaha guddiga qandaraasyada qaranka, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay, isla markaana sheegay in Xafiiska Guddiga qandaraasyadu ka turjumayo siyaasadda iyo dhex-dhexaadnimada uu ku aasaasan yahay, waxaanay bogaadiyeen wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland oo ay sheegeen inay ku guulaysatay in manhaj isku mid ah ay u samayso Maddarasadaha diiniga ah oo runtii ay tilmaameen inay halbawle u yihiin aqoonta Diinta ee barashadeedu waajibka innagu tahay. 

Gebo-gabadii, xubno ku hadlay afka shirkadaha tartanka ka qaybgalay ee aan ku guulaysan, ayaa sheegay inuu tartanku si cadaalad ah u dhacay, waxaanay hambalyeeyeen shirkadaha buuxiyey shuruudaha ee ku guulaystay labadaas qandaraas iyo guddiga qandaraasyada qaranka.

Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland, ayaa bishii hore Hargeysa ka bilawday diiwaangelinta Maddarasadaha Diiniga ah iyo Jimciyadaha ay ku midoobeen, si loo hubiyo tayada iyo tirada maddarasadaha, isla markaana loogu sameeyo manhaj dhammaystiran oo isku mid ah, halka ay hadda manaahij kala duwan dadka wax ku baraan, waxaana la gaadhsiin doonaa tiro-koobkaas gobollada iyo degmooyinka dalka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.