Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay Xildhibaan lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliya ee uu ka geeriyooday Eebbe ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo caawa lagu dilay magaalada Muqdisho.

“Eebbe ha u naxariisto xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo gacan ka xaq darani ku dishay magaalada Muqdisho, samir iyo iimaanna haka siiyo qoyskii, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliya ee uu marxuumku ka geeriyooday, Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.” ayuu yidhi madaxweyne Farmaajo.

Kooxo hubeysan ayaa xildhibaanka toogasho ku dilay isagoo ku sugnaa degmada Kaaraan

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale laamaha amniga faray in ay baadhis degdeg ah sameeyaan, ciddii falkaas waxashnimada ah geysateyna hor keenaan sharciga.

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre waxaa uu ka tirsanaa guddiga difaaca ee golaha Baarlamaanka Soomaaliya, horena waxaa uu u soo qabtay xilka Guddoomiye ku-xigeenka labaad Baarlamaankii Soomaaliya.