Xildhibaan Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsanaa oo lagu dilay Muqdisho

Xildhibaan Cismaan Cabdi Boqorre oo lagu dilay MUQDISHO 2019
Xildhibaan Cismaan Cabdi Boqorre oo lagu dilay MUQDISHO 2019

Muqdisho(Aftahannews):- Allaah ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cabdu Boqorre oo ka tirsanaa mudanayaasha golaha shacabka federaalka Soomaaliya, ayaa caawa cawaysinkii lagu dilay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Xildhibaan Cismaan Cabdi Boqorre oo lagu dilay MUQDISHO 2019
Xildhibaan Cismaan Cabdi Boqorre oo lagu dilay MUQDISHO 2019

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Marxuumka, ayaa lagu soo warramayaa in Koox hubeysan oo aan weli si rasmi ah loo aqoonsan ay ku dileen meel u dhaw guriga uu degganaa oo ku yaallay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Kooxdaas, ayaa la sheegay inay tacshiirad rasaas ah ku fureen xildhibaanka, taasoo ku dhacday, una geeriyooday. Inkasta oo askar ka tirsan ciidammada ammaanka ee Soomaaliya, goobta toogashadu ka dhacday gaadheen, haddana laguma guulaysan in halkaas lagu gaadho budhcadda dilka geysatay.

Cismaan Cabdi Boqorre, Allaah ha u naxariistee, waxa uu hore u soo naqday guddoomiyihii mid ka mid ah Baarlamaannada dawladihii ku-meel-gaadhka ahaa ee federaalka Soomaaliya soo maray.

Dilalka qorshaysan ee sidan oo kale loo fuliyo, laguna beegsado badi madaxda iyo shaqaalaha laamaha dowladda oo xildhibaannadu ku jiraan, ayaan ku cusbayn Muqdisho iyo inta badan Soomaaliya, hase-yeeshee, waa dhacdooyin taxane ah oo maalmo badan iyo habeenno badan ka dhaca Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee badhtamaha, koonfurta, bariga iyo galbeedka Soomaaliya, kuwaas oo qaarkood Kooxda Al-Shabaab sheegato, halka dadka qaarna kamma, aano iyo utuno kale loo bartilmaameedsado.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.