Xayawaan ay u gurmadeen iyagoo moodaya mid la xannaaneysto ayaa ku noqday bahal caan ah oo dadka cuna

Shaqaale naxariis badan oo u dashay dalka Estonia ayaa iyagoo biyo xidheen u dhow Wabi baraf ah ku sugan waxay badbaadiyeen xayawaan ay u maleynayeen inuu yahay Ay.

Laakiin markii dambe waxay ka war heleen in xayawaankan uu xaqiiqdii ahaa Yeey duur joog ah oo waliba dad cun ah.

Raggan oo ka shaqeynayay biyo xidheenka wabiga Parnu river ayaa xayawaankan u gurmaday xilli uu ku xannibmay biyo baraf ah dhexdood, isagoo u muuqday inuu ku jiro xaalad adag oo dhimasho horseedi karta.

Markii ay barafka ka soo dhex saareen ayey gaadhigooda saareen, waxayna durba ula carareen isbitaal, si loo daweeyo.

Ururka ilaalinta xayawaanaadka ee dalka Estonia ayaa sheegay in dhiigga yeey-da uu aad u hooseeyay markii la geynayay goobta caafimaadka ee lagu dabiibay.

Taasi ayaana noqon karta sababta uu xayawaankan wax weerar ah u sameyn waayay intii la xambaarsanaa, isagoo aan xitaa la iska ilaalineyn oo loo heystay inuu yahay ay.

Yeeyda ayaa markii uu caafimaadkeeda hagaagay dib loogu celiyay duurka

Mid ka mid ah raggaasi oo lagu magacaabo Rando Kartsepp ayaa wargays ka soo baxa dalkaas u sheegay in Yeyda ay xaaladeeda iska dagganayd oo ay lugihiisa ku jiiftay.

“Mar aan doonayay in aan lugaha fidsado, madaxa ayey kor u qaadday,” ayuu yidhi Rando Kartsepp.

Dhakhaatiirta xanaanada xoolaha ayaa markii hore shaki galiyay hab dhaqanka Yeyda, maadaama ay u dhaqan ekeyd sida ayga, balse mid ka mid ah ugaadhsatada deegaanka oo aad u yaqaanna Yeeyda aaggaas ku nool ayaa xaqiijiyay in xayawaankan uu yahay Yey lab ah, oo 1 sano jir ah.

Shaqaalaha Xarunta caafimaadka ee lagu dabiiyayay Yeeydan ayaa go’aan saday in meel gooni ah lagu xidho si aysan dadka u waxyeeleyn marka ay soo xoogeysato.

Balse isla maalintiiba wuu hagaagay caafimaadka xayawaankan waxaana dib loogu celiyay duurka.

Dalka Estonia ayaa waxa uu caan ku yahay Yeeyda, inta badan dadku waa ay iska ilaaliyaan si aysan waxyeello ugu geysanin.