Ujeeddada Madaxweyne Farmaajo iyo Wafti uu hoggaaminayo oo u dhoofay Masar

MADAXWEYNE FARMAAJO IYO MARWADIISA SAFARKA MASAR
MADAXWEYNE FARMAAJO IYO MARWADIISA SAFARKA MASAR

Muqdisho(aftahannews):- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo wafdi uu hohggaaminayo, ayaa manta ka dhoofay Muqdissho, isla markaana u ambabaxay magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar.

MADAXWEYNE FARMAAJO IYO MARWADIISA SAFARKA MASAR
MADAXWEYNE FARMAAJO IYO MARWADIISA SAFARKA MASAR

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweyne Farmaajo, ayaa lagu wadaa in uu kulan la yeesho dhiggiisa Masar dalka Cabdifataax Al-SiiSi, waxaanu sidoo kale qeybgeli doonaa Shirka dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub oo halkaasi ka furmi doona.

Shirkaasi ayaa inta badan waxaa ka qeyb gali doona hoggaamiyeyaasha dalalka Carabta iyo Madaxda Midowga Yurub, waxaana lagu soo bandhigi doonaa Qorshaha Midowga Yurub ee dalalka Carabta.

Madaxweynaha ayaa maalin uun ka hor ka soo laabtay safar uu ku tagay dalalka Burnudi iyo Jabuuti isaga oo halkaa kulamo kula yeeshay madaxda labada wadan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.