Faadumo Siciid oo Shaacisay in Madaxweyne Biixi la soo noqday wax ka duwan wuxuu la tegay Itoobiya!

Hargeysa (Aftahannews)- Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa si weyn uga horyimid eraygii Itoobiya u isticmaashay Somaliland ee ay ku sheegeen maamulka, isla markaana ay kaga hadlayeen soo dhoweyntii weftigii madaxweyne Muuse Biixi uu ku tagay Addis-ababa.

Xoghayaha arrimaha dibadda xisbiga WADDANI Faadumo Siciid Ibraahim, ayaa sheegtay in uu madaxweynuhu ka jawaabo sababta uu u aqballay inay Somaliland maamul lagu sheego.

“Qoraalka ka soo baxay kulankii madaxweyne Muuse iyo Ra’isal wasaaraha Itoobiya waxay warmurtiyeedkii ay ka soo saartay Itoobiya sheegtay inuu Madaxweyne Muuse Biixi uu aqballay inuu si fiican ula shaqeeyo Soomaaliya, waxaanay Itoobaya isticmaashay erayga Maamulka oo ay ku sheegeen Somaliland, kaasi oo ka dhigaysa maamul goboleedyada Soomaaliya ka jira, waxaanay u qornayd inuu maamulka Somaliland la shaqaynayo dawlada fadaraalka Soomaaliya, Anagu waxaan doonaynaa inuu madaxweynuhu noo cadeeyo miyeynu tuurnay qaranimadii Somaliland, miyeynu qaadanay maamul goboleed, goormaanu wada shaqayn yeelanay Soomaaliya, goormaynu xoojinayna wada shaqaynta aynu la lahayn Soomaaliya ee qoraalka lagu xusay ee ku qoran, mugdiyo faro badan baa ku jirta, marka maaha inaynu maanta ku doodno waa la ina soo dhoweeyey”ayey tidhi Faadumo Siciid oo dhaliilaysay erayga Itoobiya ku qortay qoraal ay kaga hadlayeen kulanka weftiga madaxweyne Biixi oo ay ku qoreen maamulka Somaliland.

Sidoo kale, wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo isagu shalay ka jawaabay sababta Itoobiya qoraalkeeda ugu qortay maamulka Somaliland mar arrintaasi wax laga waydiiyey, waxa uu kaga jawaabay inay iska caadi tahay oo dawladaha waaweynba lagu sheego maamulka hebel, waxaanu xusay in arrintaasi in wax weyn ahayn.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.