Itoobiya iyo Kenya oo ku heshiiyay ka shaqeynta nabadda deegannada xadka

Addis Ababa (Aftahannews)- Wadamada Itoobiya iyo Kenya ayaa ku heshiiyay inay sameeyaan guddi isku dhaf ah oo ka shaqeeya xoojinta nabadda deegannada xadka ee labada dal, sida ay qortay warbaahinta Fana.

Guddiga joogta ee arrimaha xudduudaha Kenya iyo Itoobiya ayaa sidoo isku afgartay in laga hortaggo hubka sharci darrada ah ee la isaga gudbiyo xadka iyo falal dambiyeedyada kale ee ka dhaca deegannada xadka.

Kulankii 32-aad ee guddiga wadajirka ah ee labada dal ayaa toddobaadkan ka dhacay magaalada Adama ee gobolka Oromada dalka Itoobiya.

Kulanka oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa looga hadlay arrimaha nabadda, hubka sharci darrada ah iyo sidii loo xoojin lahaa waxbarashada iyo arrimaha caafimaadka deegaanada ku yaalla xadka ay wadaagaan Itoobiya iyo Kenya.

Labada dhinac ayaa dib u eegis ku sameeyay qodobadii kasoo baxay shirkii guddiga wadajirka ah ee ka shaqeeya arrimaha xadka ay ku yeesheen magaalada Mombasa ee dalka Kenya sanadkii 2016-kii.