Wasiirro ka socday Xukuumadda Somaliland oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti

Djibouti (Aftahannews)- Wasiirka Gaashaandhiga JSL Eng. Ciise Axmed Yuusuf (Xawar) iyo  Wefti uu hoggaaminayo oo uu ka mid yahay Wasiirka Qorshaynta Qaranka  Cawaale Ibraahim Shirwac iyo safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti ayaa maanta la kulmay  madaxwaynaha Jamuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Wasiirka iyo Weftigiisa  oo kulamo kala duwan maalmihii u danbeeyey la qaadanayey madaxda kala duwan ee Jamuuuriyada Jabuuti ayaa maanta kulanka ay la yeesheen  Madaxwayne Ismaacil Cumar Geelle ku saabsanaa sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta iyo walaalnimada labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti,  taasi oo ah xidhiidh soo jireen ahi ka dhexeeyo Somaliland.

Geesta kale, Weftiga Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland ayaa  shalay booqosho ku tagay goobo taariikhi ah iyo waliba goobo cilmi baadhiseed oo Jabuuti leedahay, kulankani maanta ka dhacay qasriga madaxtooyada ee Jamuuriyada Jabuuti.