Warbahinta Israa’iil oo weerar ku qaadday Ilhaan Cumar

Hargeysa (Aftahannews)- Tan iyo markii ay billaabatay doodda la xidhiidha hadalladii lagu tilmaamay “Yahuud Naceybka” ee Ilhaan Cumar ay ku qortay boggeeda Twitter-ka, ayaa warbaahinta Israa’iil waxay si weyn uga hadlayaan gabadhan Soomaalida ah ee taariikhda gashay kaddib markii ay noqotay gabadhii ugu horreysay ee Muslim ah ee xubin ka noqotaa Aqalka Kongres-ka Mareykanka.

Wargeysyada Israa’iil ayaa si weyn uga hadlayay hadallada ka soo yeedhay Ilhaan Cumar, oo qaarkood ay ka qoreen faallooyin, qaarna ayba billaabeen warar ay ku doonayaan inay ku muujiyaan in Ilhaan ay tahay qof Yahuudda neceb.

Faallada Wargeyska Hareetz

Wargeyska Hareetz ee ugu afka dheer Israa’iil ayaa qoray faallo dheer oo uu ciwaan uga dhigay: “Ilhaan Cumar waxay fahmi la’dahay sababta ay dadka Maraykanka u taageeraan Israa’iil”.

Faalladan waxaa ku xusan in Ilhaan ay u maleynayso in lacag caddaan ah lagu helay taageeradaasi, waxaana maqaalka lagu xusay in Ilhaan aysan lahayn dareen siyaasadeed.

Wargeyska ayaa sheegay in Ilhan ay sida Falastiiniyiinta u marin habawsan tahay oo ay u haysato in lacag oo keliya ay Israa’iil ku kasbatay taageerada Maraykanka, taas oo ay ku tilmaameen aragti aan fogayn.

.

Waxay faalladu sheegtay in loo baahan yahay in Ilhaan Cumar ay fahanto in dadka raacsan madhabta Evengelisti-ga ee Maraykanka ku badan, oo siyaasiyiintuna u badan yihiin, ay taageero buuxda u hayaan Israa’iil.

Faalladu waxay intaasi ku dartay in kooxaha taageersan Israa’iil sida AIPAC, ay ka faa’ideystaan fursadahaasi, ee aanay iyagu marnaba mas’uul ka ahayn taageerada uu Maraykanka u hayo Israa’iil.

“Yahuud Naceybka” Ilhaan Cumar

Wargeyska Jerusalem Post ayaa waxaa uu ka hadlay arrin kale oo aanan meeshaba oollin, balse uu doonayo in akhristayaashiisa uu ugu sheego siday Ilhaan u necebtahay Yahuudda.

Waxaa uu qorey faallo uu ciwaan uga dhigay “Ilhaan Cumar miyay qorsheysay inay ka garab hadasho ninka naceb yahuudda ee Cabdalla”.

Wargeyska ayaa sheegay in dadka qabanqaabinayay xaflad lacag loogu ururinaayo hay’ad Islaami ah inay khalkhaleen, oo ay barnaamijka wax ka baddeleen ka dib markii ay soo baxday dhaleecayn loo jeediyay Ilhaan oo ku saabsan in ay ka garab hadli rabtay nin lagu magacaabo Yusuf Cabdalla, oo wargeysku uu sheegay inuu aad u neceb yahay Yahuudda. Balse wargeyska waxaa uu intaasi ku daray in markiiba la baddelay barnaamijka xafladdaasi, oo liiska dadka hadlaya laga saaray Yusuf Cabdalla.

Ilhaan Cumar iyo Donald Trump

.

Wargeysyada Israa’iil intooda badan waxay si weyn u falanqeeyeen hadalkii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee uu ku dalbananay inay is casisho Ilhaan Cumar, isagoo sheegay in raalligelinteeda la xidhiidha hadalka ” Yahuud Naceybka ah” uu yahay mid daciif ah.

Wargeysyka Yedeot Ehernot ayaa si weyn uga hadlay arrintaasi waxa uuna sheegay in xildhibaannada laba xisbi ee Maraykanka ay cambaareeyeen falka Ilhaan.

Sidoo kale Wargeyska The Time of Israel ayaa aad uga sheekeeyay hadalladii ka soo yeedhay Ilhaan Cumar ee lagu tilmaamay inay “Yahuud Nacaybka” ku salaysan yihiin.

Waxaa uu ka sheekeeyay sida ay xildhibaannada Yahuudda ee Maraykanka ay uga soo horjeesteen Ilhaan Cumar.

Taageerayaasha Israa’iil ayaa olole ka dhan ah Ilhaan Cumar billaabay kaddib markii ay sheegtay in ururka AIPAC ee taageera Israa’iil ay lacag siiyaan xildhibaannada Maraykanka.

Waxay ka jawaabeysay su’aal Twitter lagu soo qoray oo ahayd cidda maalgelisa siyaasiyiinta taageera Isra’iil.

Source: BBC Somali