Ganacsatada Jigjiga Qaarkood oo laga dayrinayo Tayada Badeecadohooda

Jigjiga (Aftahannews)- Magaalada Jigjiga ayaa lagu qabtay sharaab dhacay oo si qarsoodi ah ay ganacsato u soo galiyeen, sida ay sheegtay Ayaan Cabdishakuur Axmed oo ah maareeyaha wakaaladda dabagalka dawooyinka iyo cunnada.

Waxyaabaha dhacay ee la geeyo magaalada Jigjiga kuma koobna sharaabka oo kali ah ee waxaa dhibaato wayn iyadana ku haya dawooyinka dhacay ama tayadoodi liidato, sida ay Ayaan sheegtay.

Lixdii bilood ee la soo dhaafay waxaa sare u kacay ganacsiga sida sharci darrada lagu geeyo magaalada Jigjiga, balse in alaabahaasi ay ka mid yihiin kuwo dhacay ayaa noqotay mid laga anfariiray.

“Caanihii aan carruurta siisanayay ayaan ka shakiyay, dawadiina waa sidoo kale, arrintaasina walaac ayay igu haysaa,” ayuu yidhi Cabdifataax Ilyaas oo ku nool magaalada Jigjiga.

“Waxaan ku tallin lahaa in dawladdu mamnuucdo dawooyinka dhanka Soomaaliya naga soo gala ee aan tayadooda la baadhin, laguna ekaado midda la soo hubiyay ee magaalada Addis Ababa nooga timaadda”

“Waxaan ku daba jirnaa dadka ganacsiga sharci darrada ah magaalada keena ee halista galinaya caafimaadka dadka, waxaana ku hawlannahay sidii sharciga loo hor keeni lahaa ciddii lagu helo in ay dawo, cunto iyo cabitaanno dhacay keentay” ayay tidhi Ayaan.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa qaba in in dawladdu ay ka gaabisay daba galka tayada iyo waliba la socoshada qiimaha maceeshadda.

“Waxaad arki shaati magaalada Wajaale 300 riyaal ka jooga marka uu dhanka Itoobiya soo galo ee Jigjiga lagu iibinayana 700 oo riyaal la siinayo, ayuu yidhi Cabdifataax Ilyaas.

Ganacsigan laga dayrinayo ayaa hadda sii faafaya masuuliyiinta dawladduna waxay sheegeen in ay hadda dhibaatadan ka jirto deegaanno ay ka mid yihiin Harta Sheekh, Jarar, Liibaan , Doolo iyo kuwo kale.

Wasiirka Ganacsiga iyo Gaadiidka Dawlad Deegaanka Soomaalida Cabdiraxmaan Axmed Xasan ayaa sheegay in ay dhibaataddan jirto ayna sameeyaan baadhitaanno ka kadis ah oo lagu eegayo tayada cuntooyinka iyo dawooyinka la iibiyo.

“Markii hore waxaa jiri jiray ciidaammo isku dhaf ah oo ka kooban kuwa deegaanka iyo kuwa faderaalka Itoobiya oo wax ka qaban jiray ladagaalanka koontara baanka, balse muddooyinkii dambe iyo intii isbadalku dhacay arrimaha ammaanka ayay ahmiyadda saareen, ayuu yidhi Cabdiraxmaan.

“Waxaan ka shaqaynaynaa sidii ay booliisku isugu miisaami lahaayeen sugidda amniga iyo ka war qabka ganacsiga dalka soo galaya.” Ayuu intaas ku sii daray wasiirka ganacsiga.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka