Booliska Puntland oo soo bandhigay Rag loo xidhay dilka Nin ganacsade ah

Boosaso (Aftahannews)- Saraakiisha booliska maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa magaalada Boosaaso ku soo bandhigay afar nin oo dhallinyaro ah oo ku eedeysan dilka nin ganacsade ah oo 11 bishan xilli habeen ah lagu dilay magaalada Boosaaso.

Booliska waxaa kaloo uu soo bandhigay hub iyo telefoonnada gacanta oo lala soo qabtay eedeysanayaasha.

Taliyaha ciidanka booliska maamul goboleedka Puntland Jen. Muxiyadiin Axmed Muuse , ayaa hay’addaha amniga ku ammaanay soo qabashada raggan ku eedeysan dilka ganacsadaha, wuxuu inta ku daray in sharciga la marsiin doonno.

“4ta nin labo ka mid ah ayaa isku tuur tuuraya dilka ganacsadaha,balse baadhitaanka ayaa lagu kala saari doona”. ayuu yidhi Jen Muxiyadiin.

Ganacsadaha geeryooday ayaa lagu magacaabi jiray Salaad Cabdi Cukaasha, wuxuu xisaabiye ka ahaa shirkad ganacsi oo lagu magacaabo Horseed.

Dhinaca kale, Taliyaha booliska Puntland, Jen Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa sheegay inuu gabagabo marayo baadhitaan la xidhiidha dilka maareyihii dekedda Boosaaso ee shirkadda PO & Ports,Paul Anthony Formosa.

Jeneraalka ayaa inta ku daray inay jiraan dad u xidhan dilkaa, ma aanu bixin faahfaahin inta ka badan, waxaa kaloo uu sheegay inay magaalada Gaalkacyo ka socdaan baadhitaano la xidhiidha nabadoon lagu dilay.