Muqdisho: Qof ku dhintay qarax loogu xidhay gaadhi uu watay

Muqdisho (Aftahannews)-Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax goor dhawayd ka dhacay magaalada Muqdisho oo sida dad goobjoogayaal ahi ay sheegeen ahaa nooca gaadiidka lagu dhejiyo.

Gaadhigan oo ku qarxay Laami yaraha Zoobe waxaa saarnaa qofkii watay oo kaliya oo sida la sheegay ku naf-waayay qaraxa.

Ciidamada dowladda ayaa markiiba tagay goobta uu qaraxu ka dhacay iyagoo halkaas ka qaaday meydka ninka ku dhintay qaraxan oo illaa hadda aan la ogeyn waxaa uu ahaa inkastoo dadka qaarkood ay isla dhexmarayeen inuu sarkaal ka tirsan dowlada.

Lama oga qofka la bartilmaameedsaday waxaana dad goobjoogayaal ah oo arkay gaadhiga u sheegeen warbaahinta uu ahaa nooca aysan rasaastu karin oo inta badan ay wataan oo kaliya mas’uuliyiinta dowladda 

Qaraxyada gaadiidkooda loogu xidho mas’uuliyiinta iyo dadka la shaqeeya dowlada bayaa marar badan ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasoo intooda badan ku dhintay qaraxyadaas halka qaar kalena dhaawacyo iyo khasaarooyin kale geystaan.