Jamaal Cali Xuseen oo u jawaabay guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka

Hargeysa (Aftahannews)- Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa garsooraha maxkamada Hargeysa ku dhaliilay in uu dadka u akhriyay dacwado aan ahayn kuwii lagu dacwaynaayay wargeyska Foore, waxaanu garsoorka dalka ku dhaliilay inay sida siyaasiyiinta ay qabtaan shirar jaraaid meeshana ka saareen dhexdhexaadnimadii.

Jamaal Cali Xuseen ayaa ka qaybgalay dhagaysiga dacwadii lagu oogayay wargeyska Foore, waxaanu qoraal uu soo gaadhsiiyay wargeyska Geeska Afrika uu ku yidhi ” Waar ileyn anagaa wax aragnay. Dacwaddii dhegaysiga ee Foore hadaanan joogi lahayn waxa uu sheegayo garsoorahu waan rumeysan lahaa anigoo sharaf u haya. Waxaa uu listka dacwadaha uu tirinayo run baan u qaadan lahaa. Ilaahay baa Igu og in waxaas uu tirinayo oo dhami aanay ku jirin dacwaddii Foore lagu soo oogay Oo Hal shay ahayd. Kolkii imika aan waraysi tegay halkuu ka keenay waxan Oo dacwado ah oo aan ku jirin dhegaysigii aan ka qayb galay, waxa la ii sheegay, ka dib markii aan hadlay, intuu xeera ilaalinta intuu u tegay uu yidhi keena listkii dacwadihii hore ee Foore Oo kuligood qaarna sanado ka hor banaanka lagu dhameystay Oo SOLJA ay uga garnaqday gudiggii Abaaraha iyo Wargeyska Foore; kuwa kalena kolkay wax cadeyn ah keeni waayeen ay xeera ilaalinta sooba dhaafi waayeen. Listka uu tiriyey ee aan isaga hor iman maan filaneynin inuu bulshadda uga dhigo in lagu haystay Foore iyo in aniga wax i dhaafeen. Runtii dacwad dhegaysigii Si fiican buu u agaasimayey Garsoore maxkamadda iyo dacwad dhegaysiga laakiin inay xoogag kale xukunkii carqaladeeyen ayaa dhici karta Oo culeys la saaray. Laakiin hadaan talo siin lahaa laba qodob:

Horta waa ka mamnuuc in Garsoore maxkamadeed inuu shir saxaafadeed sameeyo isagoo ay tahay inuu isagu dhexdhexaad noqdo Oo aanu gelin halkii xeer ilaaliyaha. Qaladkaa Waxaa hore u galay yarka joogga Maxkamadda sare Oo intuu cadaalad daraddii ugu weynayd nagu sameeyey haddana maalintii danbe intuu shir saxaafadeed soo fadhiistay na caayey Oo noo hanjabay ( Caydiidna gar leh Cali Mahdina gar leh). Garsoorayaashiina ma waxay noqdeen siyaasiyiin iyaguna shir saxaafadeedyo sameeynaya. 2. Anigoo ixtiraamaya Garsoore Dalmar Oo runtii isaga ixtiraam u hayo; Ilaahay baa ina dilayee yaanu dadka uga dhigin inliiska dheer Oo dacwado hore ah oo aan dacwadan ku jirin aanu ummadda uga dhigin in waxaas Oo dacwad ah darteed loo xukumay Foore. Waar Miyaan Ilaahay laga baqayn. Walaahi meel xun baynu ku soconaa haddii Maxkamadihii iyo cadaaladdii dalku sidan tahay Oo xataa dacwaddii aan anigu fadhiyey wax kale lagu sheegayo subxaanka yaa cadiim.”

Source: Geeska