Suxufi Caan Ah Oo Sheegay In Aanu 10 Sannadood Fara-xalan Iyo Dooda

Washington(Aftahannews)-Suxufi Pete Hegseth oo ah suxufi caan ah oo ka tirsan telefishanka Fox News ee dalka Maraykanka ayaa suxufiyiin la sii daynayay barmaamij uu soo saaro waxa uu u sheegay in aanu muddo toban sanadood ah farahiisa maydhin, islamarkaana aanu rumaysnayn jiritaanka cayayaanka Jeermiska ee il ma aragtayga ah.

Suxufiga oo gacantiisa bidix ku cunaya cunto ayay saaxiibadii waydiiyeen sababta uu cunta ugu dhammeeyay gacanta bidix laakiin, waxa uu shaaciyay arrin aan loo fadhiyin oo dood dhallisay taas oo dadka qaar ku raaceen in aanay muddo dheer faraxalan.

Arrinta aan doonayo in aan 2019 shaaciyo waxay tahay uma malaynayo muddo toban sannadood ah in aan gacmahayga maydhay,” Sidaas ayuu yidhi Suxufiga oo intaasi ku daray “Jeermisku wax xaqiiqo ah maaha. Anigu ma arki karo marka wax xaqiiqo ah maaha,”

Inkasta oo asxaabtiisu si weyn ugu qosleen dooddiisa haddana qof kale oo Twitter-ka kaga hadlay arrintan ayaa sheegay in uu la qabo arrinta faraxal la’aanta ah, islamarkaana aanu hargab yarna ku dhicin isaga oo 70 jir ah.

Arrintan ayaa warbaahinta iyo baraha bulshada si weyn loogu qaada dhigay, islamarkaana doodo iyo kaftan ka abuurmay.

Waaxda xakamaynta cudurrada ee Maraykanka ayaa aamminsan in ay xannuunada xakamayso qofka oo si joogta ah u faraxasha, islamarkaana saabuun ku dhaqa gacmihiisa “ Maydhista gacmahaagu waa habka ugu fudud ee aad naftaa iyo in uu dadka kaleba ku fido kaga ilaalin kartid cayayaan gacmahaaga gabaad ka dhigta. Waxa uu jeermisku gacmaheena ku soo gaadhi karaa taabashada qaybaha kale ee jidhkeena, hindhiso ama qufac, taabashada qof kale, taabasho xayaawan ama hilib,” Sidaas ayuu yidhi Jamin Brahmbhatt oo ah khabiir caafimaad oo u warramay warbaahinta USAtoday.

Sida oo kale BBC-da oo soo xiganaysa hay’addaha caafimaadka ee Maraykanka ayaa tabisay in sida kaliya ee aad gacmahaaga kaga tiri karto jeermisku tahay maydhitaanka joogtada ah si aad uga fogaato xanuun ugana hor tagto in jeermisku ku fido dadka kale.

Xigasho. WAABERI