Sucuudiga Oo Lagu Helay Fadeexad Kale Oo Gilgishay Qoyska Al-Sucuud

Riyadh (Aftahannews)- Fadeexado hor leh ayaa ku soo baxay maamulka Aala sucuud ee ka arrimiya dhulka xarameynka ee sucuudiga loo yaqaan.

warbixin uu daabacay wargeyska Daily Telegraph ee ka soo baxa magaalada London ayaa xaqiijinaysa in dawladda sucuudiga ay lacago malaayiin dollar ah siisay mas’uul sare oo ka tirsanaa dowladda Ingiriiska.

Warbixinta ayaa xaqiijisay in dawladda al-sucuud ay lacag dhan 10 milyan oo dollarka Mareykanka ah siisay Tooni Baleyr R/wasaarihii hore ee dowladda Ingiriiska, lacagtan oo qaab laaluush ah loo bixiyay ayay sacuudigu ku bedelanayeen in taageero siyaasadeed ay ka helaan Ballayr uuna bogaadiyo qorshaha Maxamed Bin Salmaan oo ah dhaxal sugaha boqortooyada Al-Sucuud.

Wargeyska ayaa sheegay in shirkadda baadhitaannada iyo suuq geynta sucuudiga ay toban milyan oo doollar u dirtay machadka tooni ballayr uu madaxda ka yahay oo lagu magacaabo “isbedelka caalamiga ah”.

Masuul u hadlay xafiiska Tooni Ballayr ayaa xaqiijiyay in lacagtaas ay ka heleen dowladda sacuudiga balse wuxuu diiday in ay aheyd mid laaluush ah wuxuuna ku tilmaamay qarash uu sucuudigu ku taageerayay mashruuca machadkiisu ka waddo mandiqadda loo bixiyay bariga dhexe.

Dawladda sacuudiga ayaa caan ku ah in lacago Malaayiin dollar ah ay kula saaxiibto Ururo iyo dawlado halka gaajo ay u dhimanayaan malaayiin qof muslimiin ah oo hantidooda ay xoog ku boobtay.