Gudoomiey Cirro Sidee Ayuu U Arkaa Hadalada Is-khilaafsan Ee Madaxweyne Biixi Iyo Wasiir Sacad?

Hargeysa(Aftahannews)=Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa su’aalo ka keenay hadallo is khilaafsan oo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirkii maaliyadda Dr Sacad Cali Shire ka yidhaahdeen waxa Somaliland dhaafsatay Saldhigga Militari ee Berbera laga siiyay Imaaraadka.

Dr Cabdiraxmaan Cirro ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyay boggiisa Twitter-ka ku sheegay in shacabka Somaliland ayaan daran yahay waxaanu soo bandhigay su’aalaha ku xeeran weedhaha iska hor iyo daba yimid ee madaxweyne Biixi iyo wasiir Sacad “Madaxweyne Muuse: “Saldhigga militariga waan ka kiraynay dawladda Imaaraadka”!. Wasiir Sacadna waxa uu leeyahay “kiro kama qaadanno”! Keebaa run sheegaya? Keebaase shacabka been u sheegaya? Shacabkaygu ayaan daranaa?,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cabdiraxmaan Cirro ku yidhi qoraalkiisa.

Madaxweyne Biixi oo hore waraysi u siiyay telefishanka Universal ayaa la waydiiyay waxa ay Somaliland dhaafsatay Saldhigga Militari ee Imaaraadka laga siiyay Berbera waxaanu sheegay in laga kireeyay “Saldhigga waa ka heshiinay, waa ka kiraynay hawshiisiina way socota waana Somaliland iyo dawladda Imaaraadka Carabta, cid saddexaad ma khuseeyo Saldhiggu,” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Hase ahaatee wasiirka maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo todobaadkan la waydiiyay sababta Miisaaniyadda Qaranka loogu dari waayay kirada Saldhigga laga qaado ayaa sheegay in aanu kiraysnayn “Saldhigga isaga Kiro kama qaadano. Kiro maaddaama aynaan ka qaadan kuma jiro kirooyinka,” Sidaas ayuu yidhi Dr Sacad.

Hadalladaas kala fog ayaa u muuqda kuwo jaahwareer ku riday bulshada Somaliland, islamarkaana muujinaya in xaqiiqooyin badan ka qarsoon yihiin maaddaama dhawr sanno kadib heshiisyada lala galay Imaaraadka aanay wax badan ka ogayn. Wasiir Sacad oo aan sheegin tirade sannadada la sii qadinta iyo cidda qaadatay toona waxa uu dhawaan bulshada u sheegay in Kiradii dekedda Berbera ee DP World oo sanadkiiba ah 5 Milyan oo dollar la sii qaddintay waxaanay ka mid tahay arrimaha layaabka ku noqday bulshada.

Xigasho: WARGEYSKA WAABERI