Muqdisho: Dab baabi’iyay guryo ay degenaayeen dad rayid ah

Muqdisho (Aftahannews)- Dabkan oo ahaa mid khasaare ballaadhan u geystay dad danyar ah ayaa maanta ka kacay xero ku taala xaafadda Jaamacaddaha degmada Hodan ee magaalada Muqdisho

Sida ay sheegeen qaar ka mid ah qoysaska guryahan gubtay degenaa dabka ayaa ka dhashay Koronto, taasoo keentay in ay basbellaan tiro badan oo guryo ah iyo agabkii ku jiray oo ay lahaayeen qoysas markii horeba iska danyar ahaa.

Dadka guryahan ay ka bur bureen oo u badnaa dad barkacayaal ah ayaa dalbanaya in laga caawiyo sidii ay mar kale dib ugu yagleeli lahaayeen nolashadooda, iyaga oo markii horeba iska ahaa dad xoogooda ku nool ah.

Magaalada Muqdisho waayadii ugu danbeeyay waxaa ku badnaa dabka oo khasaare ballaadhan oo kala duwan sababay, laakiin lama sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay dabka ugu danbeeyay ee ka kacay xerada ay degenaayeen qoysaska barakacayaasha ah.