Kusimaha xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka oo booqasho ku tegay Afqanistaan

Hargeysa (Aftahannews)- Kusimaha xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka, Patrick Shanahan ayaa sheegay inay muhiim tahay in dowladda Afqanistaan ay ka qeyb noqoto tallaabo kasta oo looga hadlayo nabadda dalka.

Waxaa uu ka hadlayay xilli booqasho lama filaan ah uu ku tegay magaalada Kabul.

Booqashadiisa Afqanistaan ayaa kusoo beegmeysaa xilli ururka Taalibaan iyo dowladda Mareykanka ay sheegeen in horumar laga gaadhay wadahadallada ka socday dalka Qatar ee looga gollahaa soo afjaridda dagaalka Afqanistaan.

Taalibaan ayaa diiday inay wadahadal la gasho saraakiisha dowladda Afqanistaan halka wadahadallo kale ururka iyo Mareykanka ay uga socdaan dalka Qatar.

Madaxweyne Donald Trump ayaa ku baaqay in lasoo afjaro howlgallada militari uu Mareykanka ka wado Afqanistaan.

Source: BBC Somali