Afrika oo lagu amaanay martigelinta qaxootiga badan

Addis Ababa (Aftahannews)- Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa hoggaamiyeyaasha Afrika u sheegay in dalalka reer galbeedka ay wax badan ka baran doonaan sida dalalka Afrika ay usoo dhaweeyaan malaayin qaxooti ah.

Isagoo ka hadlayay furitaanka shirka madaxweyneyaasha Midowga Afrika uga socday magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in dalalka Afrika ay xudduudahooda u fureen malaayin qaxooti ah inkasta oo aysan heysan kheyraad ku filan.

Guterres ayaa sidoo kale amaanay dalalka Afrikaanka ah sida ay u caawiyaan dadka qaxootiga isla markaasna ay martigeliyeen.

Afrika ayaa martigelisay in ka badan rubuc qaxootiga ku nool caalamka iyo in ka badan 20 milyan oo qof oo soo barakacay.

 

Source: BBC Somali