Wasaaradda Shaqo-gelinta oo Kulan dardargelin & maamuus ah u qabatay Daneeyayaasha Bulshada ee la shaqeeya – War + Sawirro badan

WASIIRKA SHAQO-GELELINTA IYO AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA BULSHADA SOMALILAND
WASIIRKA SHAQO-GELELINTA IYO AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA BULSHADA SOMALILAND

Hargeysa(Aftahannews):- Wasaaradda Shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska somaliland, ayaa magaalada Hargeysa ku qabatay kulan dardargelin iyo kor u qaadista Hay’adaha ay wada-shaqaynta la leh wasaaradda, waxaana ka qaybgalay hay’adaha iyo ururrada kala duwan ee la shaqeeya wasaaradda, kuwaas oo ay Wasiirku guddoonsiisay shahaado-sharafyo lagu maamuusay daneeyayaasha arrimaha carruurta, qoyska iyo waxtarta bulshada.

WASIIRKA SHAQO-GELELINTA IYO AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA BULSHADA SOMALILAND
WASIIRKA SHAQO-GELELINTA IYO AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA BULSHADA SOMALILAND

Wasiirka wasaaradda Shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo Qoyska Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani aya maanta daah furtay kulanka xoojinta daneeyayasha la shaqeeya wasaaradda, waxay ugu horrayntiiba uga mahadcelisay kaso qayb galayaasha ajiibista madashan iyo siday wakhtigooda qaaliga ahba uguso hureen

Wasiir Hinda, ayaa ku dheeratay muhiimada ay leedahay ilaalinta iyo daryeelka dadka jilicsan oo ay u horeeyan caruurta ayna mudanyihiin haayadaha kala shaqeeya Arrimaha bulshada siiba caruurta inay ka wasaarad ahaan u mahad celiyan.

Warbixinta warkaas oo hadallada ay Masuuliyiinta Wasaaradda, gaar ahaan Wasiirka iyo Agaasimaha guud iyo sida kulankaasi u dhacayba, idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.