Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex oo xukun isugu jira ganaax iyo xayiraad ku soo rogtay Wargeyska Foore

Filed under: Wararka |

Hargeysa (Aftahannews)- Guddoomiyaha maxkamada gobolka Maroodi Jeex ayaa xukun iskugu jira ganaax lacageed iyo xadhig ku riday wargeyka Foore.

Gudoomiyaha maxkamada oo ku dhawaaqay go’aanka dacwad ka dhan ah wargeyskaas oo ka socotay maxkamada gobolka Maroodi Jeex ayaa sheegay in wargeyska lagu xukumay ganaax lacageed oo dhan sadex milyan iyo halsano oo aanu wargeyskaasi soo bixin.

Sidoo kale Gudoomiyaha wargeyska Foore Cabdirashiid Cabdiwahaab Sheekh Ibraahin uu xaqiijiyey in maxkamada gobolku ku riday xukunkan.

Waxa kale oo uu sheegay in lacagta ganaaxa ah ee lagu riday loo xidhay tifaftiraha wargeyska Foore Ilkacase, kaas oo xidhnan doona inta lacagta laga bixinayo, waxaanu xusay inay dhawaan faah faahin ka bixin doonaan xukunka ku dhacay.

Share Button

You must be logged in to post a comment Login