Shir madaxeedkii hogaamiyeyaasha Afrika oo furmay

Addis Ababa (Aftahannews)- Shir madaxeedkii 32-aad ee hogaamiyayaasha qaaradda Afrika ayaa maanta ka furmay magaalada Addis Ababa ee xarunta Midowga Afrika.

Qaxootiga iyo dadka gudaha dalkooda ku barakacay ayaa ka mid ah arrimaha ugu waaweyn ee ay madaxdu ka doodi doonaan muddada uu shirka socdo.

Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fatah al Sisi ayaa sidoo kale la wareegi doona xilka madaxtinnimada wareegta ee ururka, isagoo beddeli doona dhiggiisa dalka Rwanda Paul Kagame.

In kabadan Afartan dal oo African ah madaxdooda ayaa ka qayb galaya shirka oo diiradda lagu saari doono dhibaatada qaxootiga ee qaaradda Africa.

Sidoo kale waxaa lagu lafa guri doonaa dagaallada sokeeye ee ka taagan dalaka Suudaanta Koonfureed, Jamhuriyadda Afrikada dhexe, Jamuuriyada iskeed isku maamuli kariwayday ee Soomaaliya iyo Nigeria oo ay malaayin qof ku barakeceen.

Shirka madaxda Midowga Afrika

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga aya sheegeysaa in Africa ay marti galisay in kabadan rubuc qaxootiga dunida iyo barakacyaasha, kuwaasi oo kor u dhaafaya labaatan milyan oo qof.

Hogaamiyeyaasha ayaa sidoo kale ka wada xaajoonaya dadaallada isdhexgalka ganacsiga Africa iyadoo sannadkii hore ay saxeexeen ganacsiga xorta ah ee Africa kaas oo shabahaya kan Midowga Yurub.

Waxyaabaha kale ee looga hadli doono kulanka maanta ka dhacaya xarunta Midowga Afrika ayaa waxaa ka mid ah dhibaatada ay bacda ku hayso deegaanka iyo sidii dalalka qaaradda ay dhammaantood u mamnuuci lahaayeen adeegsiga bacaha.

Midowga Africa ayaa sameeyay isbedello badan oo ah qaabka ay u shaqeeyaan iyagoo ka duulaya sidii ay uga maarmi lahaayeen ku tiirsanaanta dalalka caalamka oo ay iyaga isku filnaansho u gaadhi lahaayeen inkastoo isku dayadaasi aysan guul la taaban karo ka gaadhin.

 

Source: BBC Somali