Hargeysa: Dhakhtar Yurub uga soo duulay si uu Harimacad u kabo

Hargeysa (Aftahannews)- Dhawaan waxaa magaalada Hargeysa ee Somaliland lagu daaweeyey Harimacad lug ka jabay oo dhakhaatiir ajnabi ah ay uga yimaadeen dibadda.

Somaaliland waxa ay sanadkii 2015-kii soo saartay xeerka duurjoogta iyo keeymaha, kaasi oo mamnuucaya in dalka laga dhoofiyo duurjoogta iyo in si gaar ah dadka ay guryahooda ugu haystaan xayawaanada duur-joogta ah.

Huda Cali Banfas oo ka tirsan hay’adaha maxaliga ah ee ka howgala Somaliland, ayaa sheegtay in Harimacadka gacanta dawladda soo galay kadib markii bishii siddeedaad ee sanadkii tagay lagu qabtay rag doonaayay in ay xeebaha Somaliland ka dhoofiyaan.

”Harimacadku waxa uu dhaawacmay afar cisho ka hor isagoo xeradiisa ku jira”, ayay tidhi Huda.

”Lugta dambe ayuu dhaawac kasoo gaadhay oo lafbaa jabtay kadibna dhakhtar ayaa Yurub laga soo diray oo qalniin ku sameeyay”, ayay intaasi ku dartay Huda Cali.

Dhakhtarkan oo u dhashay dalka Czech Repuplic ayaa ku guuleeystay kabniinka Harimacadku, waxaana haatan la geeyay goob ku meel gaadh ah oo lagu xanaaneeyo Harimacadka oo ku taalla magaalada Hargeysa.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaaalka