Manchester City oo hoggaanka qabatay

Kooxda difaacaneysa horyaalnimada Ingiriiska ee Manchester City ayaa dib ula wareegtay hogaanka Premier League kaddib marki ay xalay 2-0 ku garaacday Everton oo ay marti ugu aheyd garoonka Goodison Park ee magaalada Liverpool.

Labada koox ee City iyo Liverpool ayaa hadda wada leh 62 dhibcood laakin waxaa farqiga goolasha ku sarreeya kooxda Manchester City, laakin dhalinyarada macalin Juergen Klopp ayaa dib ula wareegi kara hogaanka haddii ay Sabtida ka badiyaan kooxda Bournemouth.

Manchester City

Maalin kaddib Manchester City ayaa martigelin doonta kooxda Chelsea oo iyaduna ku jirta kaalinta afraad, maalmahanna qabtay dhaawacyo kasoo gaadhay guulddarradi qadhaadheyd ee 30-ki bishii January kala kulantay Bournemouth.