Ifkaa laysu tudhaaye, iilka laysma gargaaro! Fadlan Caawi Qoyskan Dhibban

DAR ILLAAHAY U CAAWI QOYSKAN DHIBAATAYSAN FADLAN OO KU NOOL GABILEY
DAR ILLAAHAY U CAAWI QOYSKAN DHIBAATAYSAN FADLAN OO KU NOOL GABILEY

Ifkaa laysu tudhaaye, iilka laysma gargaaro! Waa run oo adduunka inta la joogo, ayaa wax la is-tari karaa, la istaakulayn karaa oo la is-taageeri karaa. Laakiin, haddii Aakhiro la tago, qofna qof wax ma tari karo, sida Illaahay Qur’aankiisa kariimka ah innoogu sheegay.

DAR ILLAAHAY U CAAWI QOYSKAN DHIBAATAYSAN FADLAN OO KU NOOL GABILEY
DAR ILLAAHAY U CAAWI QOYSKAN DHIBAATAYSAN FADLAN OO KU NOOL GABILEY

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa kale oo Qur’aanka Illaahay inoogu sheegay in sadaqada iyo waxy aaba qofka Muslimka ahi la baxo, inay ka badbaadin karaan naar iyo cadaab, waxa uu haystaana ugu barakoobayan oo Illaahay balaayooyinka kaga xijaabayo. Sidaa daraaddeed, waa inaynu hadba inta awooddeen ah is-caawinnaa oo iskaalmaynaa. Maanta dadka caawinta u baahan waxaa ka mid ah; Qoyskan oo ay hayso cafimaad-darro, daryeel la’an iyo baahi daran oo xataa anay heysan waxay cunaan.

Haddii aad waddanka joogto iyo haddii dibedda aad jirtaba, Qoyskan oo ku dhaqan magaalada Gabiley, ayaa ka kooban Shan Wiil oo dhimmirka amma maskaxda ka xanuunsanaya oo qaar silsiladaysan yihiin oo ay hayso Hooyadan, adduunna aan u haynin, iyadana dhibaatooyin kala duwan gaadhsiiyey 15-kii sano ee la soo dhaafay, waxaanay codsanaysaa qoyskani in la caawiyo oo wax la taro, Illaahay baa wax tari karee.

Cidkasta oo Caawin kartaa caawimadooda way u baahan yihiin, waxaana lagala xidhiidhi karaa, waxna loogu diri karaa Taleefan lambarradan:- 0634664102 Cabdilaahi 0634326736.  oo ka mida dadka gacan ku haya.

Muuqaalkan hoose ka daawo Warbixinta qoyskan, xaaladaha ay ku nool yihiin iyo Codsiga ay Bulsho iyo Dowlad-ba u dirayaan:-

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.