Diyaarad uu saarnaa Ciyaaryahan ka tirsan horyaalka Premier League-ga oo la waayay

Hargeysa (Aftahannews)- Mid ka mid ah ciyaartoyda ku biiray horyaalka Ingiriiska ee Premier League ayaa la socday diyaarad nooca yar yar ah oo la waayay xilli ay ku duuleysay hawada jasiiradaha Channel Islands.

Emiliano Sala oo ah weeraryahan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ka jooga £15malyan oo gini ayaa ka mid ahaa 2 ruux oo la socotay diyaaraddaas la la’yahay tan iyo habeenimadii ay Isniinta sii baxeysay.

Ciyaartoygan 28 jirka ah oo u dhashay dalka Argentina ayaa ka tirsanaa kooxda Cardiff City oo ku jirta horyaalka heerka koowaad ee dalka Ingiriiska.

Maamulka kooxda Cardiff City, oo Sabtidii laacibkan lacagtii ugu badneyd abid uga soo iibsatay kooxda ka dhisan dalka Faransiiska ee Nantes ayaa sheegay in ay “aad uga naxeen” warka ku saabsan diyaaradda uu la socday ee luntay.

Booliska jaziiradda Guernsey ayaa sheegay inuusan jirin wax tix raac ah oo horseedi kara halka ay ku dambeyso diyaaraddaas oo ku wajahneyd magaalada Cardiff.

Qoyska ciyaartoygan ayaa sheegay iney aad ula murugeysan yihiin dhacdadan lama filaanka ku noqotay.

Sabtidii ayey kooxda Cardiff soo iibsatay Sala

Sala aabihii oo lagu magacaabo Horacio ayaa telefishinka Argentine TV channel C5N u sheegay inuu qof saaxiibkiis ah ka maqlay warka ku saabsan wiilkiisa.

“Anigu waxba kama ogeyn arrintan. Ma rumeysan karin aad baana u niyad jabsanahay, waxaan rajeynayaa in wax walba ay hagaagi doonaan”, ayuu yidhi.

Dhinaca kale John Fitzgerald oo ah madaxa hoggaaminaya howlgalka lagu raadinayo diyaaraddan ayaa sheegay in ay “aad u yar tahay suurtagalnimada lagu heli karo qof ka nool labadii ruux ee la socotay diyaaraddaas”.

“Waxay ila tahay iyadoo cimilada badda ay sidan tahay iney adagtahay helitaanka qof nool oo xaaladdan cimilada ah ka badbaadi kara”, ayuu yidhi.

Wuxuu sheegay in hadda cimilada badda ay aad u qabowdahay, qofkii aan si dhakhso ah looga gaadhinna ay durba soo wajaheyso kahatar dhimasho ah.

 

Source: BBC Somali