Qarax kale oo Muqdisho ka dhacay iyo Khasaaraha ka Dhashay

QARAXYO KA DHACAY MUQDISHO
QARAXYO KA DHACAY MUQDISHO

Muqdisho(Aftahannews):- Ugu yaraan laba ruux, ayaa ku geeriyooday, dad kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay maanta magaalada Muqdisho, sida ay sheegayaan wararka laga helayo qaraxaas.

QARAXYO KA DHACAY MUQDISHO
QARAXYO KA DHACAY MUQDISHO

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wararku waxay sheegayaan in Qarax uu ka dhacay goob gaadiidka lagu baaro oo ay joogaan ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Isgoyska Caro Itko, waxaana lagu waramayaa in qaraxa oo ahaa miino waddada dhinaceeda la dhigay ay ku geeriyoodeen labo ruux oo shacab ah.

Sidoo kale waxaa qaraxan la sheegay in uu ku dhaawacmay Askari ka tirsanaa ciidamada Booliiska dowladda Soomaaliya sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah, sida ay baahisay shabakadda Hiiraan.

Saraakiisha Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inay wadaan baadhitaanno la xidhiidha cidda miinada halkaas gelisay ee qarxisay iyo cidda ambalaaska qaraxa Dhakhaatiirta dhaawacay ku xidhay.

Qarax lagu soo xidhay gaadhi nooca gurmadka deg-degga ah ee ambalaasyada, ayaa xalay isna ka dhacay Muqdisho, waxaana lagu dhaawacay Dhakhaatiir Ajnabi ah oo ku sugnaa magaalada Muqdisho.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.