Yaa Qabanaya Doorashada Golaha Wakiillada ee Guurtidu u Gooreeyeen Xilli Waqtiga Komishanku Dhacay?

XILDHIBAANNADA GOLAHA GUURTIDA SOMALILAND OO MUDDO-KORDHIN SAMEEYEY.jpg
XILDHIBAANNADA GOLAHA GUURTIDA SOMALILAND OO MUDDO-KORDHIN SAMEEYEY.jpg

Hargeysa(Aftahannews):- Mudanayaasha golaha Guurtida Somaliland, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixyey muddo-kordhin ay markii shanaad u sameeyeen golaha Wakiillada oo la soo doortay 29-kii Actoober 2005-tii, halka aanay soo hadal-qaadin golayaasha deegaanka oo iyagana waqti hore loogu kordhiyey dhammaanayo bisha afraad ee sannadkan.

XILDHIBAANNADA GOLAHA GUURTIDA SOMALILAND OO MUDDO-KORDHIN SAMEEYEY.jpg
XILDHIBAANNADA GOLAHA GUURTIDA SOMALILAND OO MUDDO-KORDHIN SAMEEYEY.jpg

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Muddo-kordhintan maanta ayaa ka dambaysay, markii dib u dhac ku yimi doorashadii wakiillada iyo deegaanka oo u muddaysnayd 29-ka bisha saddexaad ee sannadkan 2019-ka, isla markaana ay Guddiga doorashadu caddeeyeen inaanay doorasho diyaar ahayn, markaas ka dib, ayuu madaxweynuhu 9-kii bishan codsi la xidhiidha muddo-kordhin u soo gudbiyey golaha guurtida oo awood sharci u leh kordhinta muddada golaha wakiillada.

Fadhiga oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Golahaas Saleebaan Maxamuud Aadan, oo xildhibaannada fadhiga ka soo xaadiray ku wargeliyey inay dhegaysanayaan go’aanka Guddigii loo saaray ka soo talo-bixinta muddo-kordhinta Wakiillada, waxaanu codsaday in Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad laga dhegaysto Warbixinta guddigaas oo toddoba ka tirsan fadhiga laga hor-istaagay inay galaan.

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee golaha Guurtidda oo Mudanayaasha u akhriyey soojeedintooda, ayaa sheegay inay u qorsheeyeen inay doorashaddu dhacdo 12/12/2019, muddo-xileedkooduna noqdo doorashada bil ka dib oo ku beegan 12/1/20120. Xildhibaannada golaha Guurtida ee fadhiga joogay, oo xubnaha laga saaray mooyee ahaa 69 Xildhibaan, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey muddada loo kordhiyey golaha Wakiillada iyo wakhtiga doorashadu dhacayso, guddoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayaanu sheegay Guddoomiyuhu inay muddo-kordhintu ansax ku tahay.

Guddoomiyuhu wuxuu shegay in toddobadaasi Xildhibaan ka baxeen markii guddidu isku afgaratay in sideed bilood la kordhiyo, taaasina ay keentay inay kalfadhigaba ka joojiyaan, waxaanu ku tilmaamay qaran-dumin aragtidooda, waxaanu sheegay inaan loo joojinayn kooxdaa khilaafka la timi oo fadhiga laga saaray.

Mudanayaasha loo diiday inay golaha galaan, ayaa ku dooday inuu shirguddoonku ku qasbayey aragtidiisa, taasina ay keentay inay iskaga baxaan, waxaanay ku doodeen in laba sanno uun lagu qaban karo doorashadda, waxaanay sheegeen inay soo jeediyeen aragtidooda oo ahayd in laba sannadood lagu qaban karo doorashada, isla markaana labadaas sano lagu saleeyo muddo-kordhinta Wakiillada wakhti dhaafay loo sameeyey.

Haddaba, golaha wakiillada waxa la doortay 29 Aktoober 2005-tii, waxa sharcigu dhigayey inay fadhiyaan shan sannadood oo kaga dhammaanaysay 30-ka Aktoober 2010-kii. Waxa loo kordhiyay laba sannadood oo ka bilaabantay 30/10/2010, kuna beegnayd 30/6/2013. Haddana, waxa loo kordhiyay laba sannadood bil iyo 27 maalmood oo ku dhummaaanaysay 27/02/2015.

 Mar saddexaad waxa loo kordhiyay laba sannadood oo kaga eekayd 27/10/2017. Markii afraad waxa loo kordhiyay laba sannadood oo iyaduna kaga beegan 28/4/2019. Markii afraad ayaa loo kordhiyey maanta oo ay taariikhdu ahayd 21/01/2019, waxaana wakhtigooda maanta la kordhiyey ku dhammaanayaa 12-ka bisha koowaad ee 2020-ka.

Inkasta oo ay Masuuliyiinta saddexda Xisbi ee Kulmiye, UCID iyo Waddani soo dhaweeyeen wakhtiga ay Guurtidu u kordhisay Mudanayaasha Wakiillada, haddana su’aasha is-weydiinta mudan ayaa ah, muddada ay Guurtidu maanta go’aamiyeen in la qabto doorashada wakiillada ee 12-ka bisha 12-aad ee 2019-ka muddada sharciga ah ee Guddiga doorashooyinka ee xisbiyadu isku khilaafsan yihiin ma gaadhsiisan tahay? Maya weeye jawaabtu, waxaanay muddadii shanta sano ahayd ee sharcigu dhigayey inay shaqeeyaan ama Guddi doorasho ahaadaan toddobada xubnood ee Komishanku ku kooban yahay ku eegtay ama ku dhammaanaysaa 29-ka bisha 11-aad ee sannadkan 2019-ka.

Markaa, waxay su’aashu noqonaysaa, yaa qabanaya doorashadaas, iyada oo la ogyahay in Xisbiga Waddani kalsoonida kala noqday Komishanka horraantii 2018-kii, welina lagu muransan yahay oo Waddani taagan yahay inaanu galayn doorasho ay Guddigaasi qabtaan, halka ay Xisbiyada Kulmiye iyo UCID difaacayaan Guddiga, dhawaanna isku raaceen inay diyaar u yihiin inay labadooda Xisbi ee Kulmiye iyo UCID ku tartamaan doorasho ay Guddiga doorashada ee hadda joogtaa qabato, haddii Waddani mawqifkiisa diidmada ah ku adkaysto.

Xoghayaha guud ee golaha Guurtida Cabdinaasir Beegsi oo su’aashaa ah cidda qabanaysa doorashada BBC-du weydiisay, maaddama oo wakhtiga Komishanku ku dhammaanayo 29/11/2019, Guurtiduna daba mariyeen doorashada waqtigaas, ayaa sheegay in arrintaas go’eenkeedu u yaallo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, isla markaana xalku noqonayo hadba waxay Xisbiyada siyaasadda ee doorashada loo qabanayaa heshiis ku noqdaan oo sharcigana lala kaashado.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.