Guddoomiye Cirro Muxuu Ka Yidhi Muddo-kordhinta Guurtidu u Samaysay G/Wakiillada iyo Xadhigga Abwaannada?

Hargeysa(Aftahannews)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka hadlay kalsoonidii ay Komishanka doorashada Somaliland kala noqdeen, muddo-kordhinta sagaalka bilood ah ee ay golaha guurtidu maanta u sameeyeen Xildhibaannada golaha Wakiillada markii shanaad, xadhigga Abwaannada ee ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi bilawday iyo qodobbo kale.

Guddoomiye Cirro oo Warbaahinta la hadlay maanta oo lagu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Cigaal oo uu ka soo degay, ka dib markii uu soo dhammaystay safar uu Nairobi ugu maqnaa, ayaa sheegay in Waddani diyaar u yahay doorasho, laakiin doorasho ay qabtaan Guddiga hadda joogaa diyaar u ahayn, maaddaama oo ay hore kalsoonida ugala noqdeen.

Halkan Hoose Ka Daawo:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.