“Xaaraantii aan cunay intaan Xilka Xanuunnadaan ka qaaday baan dawadoodii Mashquul ku ahay..” Maxamed J. Abgaal Wasiir hore

Maxamed Jaamac ABGAAL WASIIRKII HORE EE BOOSAHA SOMALILAND
Maxamed Jaamac ABGAAL WASIIRKII HORE EE BOOSAHA SOMALILAND

Hargeysa (Aftahannews)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal, ayaa markii ugu horreysay shaaciyey inuu lacag xaaraan ah oo uu cunay wakhtigii uu wasiirka ahaa xanuunno ka qaaday, kuwaas oo uu tilmaamay inuu dawadoodii u taag-la’yahay ama ku dawakhay, isla markaana aanu xil dambe diyaar u ahayn.

Maxamed Jaamac ABGAAL WASIIRKII HORE EE BOOSAHA SOMALILAND
Maxamed Jaamac ABGAAL WASIIRKII HORE EE BOOSAHA SOMALILAND

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Abgaal waxa uu Allaah weydiistay inuu ka cafiyo lacagta xaaraanta ku ah ee ku baxsatay intii uu xilka Wasiirnimo ka hayey Xukuumaddii Axmed-Siilaanyo, intii aan xilka laga qaadin karin. Mr. Abgaal,  ayaa walaac xoogan ka muuujiyay xaalada dalku uu wakhtigan marayo, Isagoona sheegay in Xukuumada Madaxweyne Biixi aanay dalka ka war hayn.

Siyaasi Abgaal, ayaa ka hadley Shirweynaha golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee ka qabsoomaya magaalada Boorama, waxaanu tilmaamay inaanu ka filayn natiijo fiican oo in lagu tartamo iyo wejiyo cusub oo wax beddeli kara shirkaas golaha dhexe lagu soo dooranayn.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka;-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.