Ciidanka amniga Puntland oo fashiliyay Qarax miino (SAWIRRO)

Boosaaso (Aftahannews)- Ciidammada amniga ee magaalada Boosaaso ayaa fashiliyay Qarax miino oo xalay lagu aasay bartamaha suuqa wayn ee magaalada Boosaaso .
Qaraxan ayay sheegeen ciidammada in uu ahaa nooca gacanta laga hago, waxaana lagu guulaystay in la fur furo kahor inta aan la qarxin.
Guddoomiyaha gobolka Bari, Yuusuf Maxamed Wacays Dhado oo warbaahinta la hadlay, waxa uu sheegay in shacabka ay kusoo wargeliyeen laamaha ammaanka isla markaana ay u sheegeen in ay jiraan waxyaabo qarxa oo la dhigay meel halbowle u ah isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha gaar ahaan nawaaxiga waddada tagta suuqa caanaha kaddibna ciidammada ay ku guuleysteen in ay si nabad-galyo ah kusoo qabtaan aaladahan Qarxa.
Duqa degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan, ayaa dhankiisa sheegay in la abaal-marin doono ciidammadii ku guuleystay in ay soo qabtaan qaraxyadan lagu waxyeeleyn lahaa shacabka, waxa uuna intaa raaciyay hadalkiisa sidoo kale in la dalacsiin doono askartii sida gaarka ah ugu guuleysatay soo qabashada aaladahan qaraxyadan ka sameysan.
Gabagabadii, mas’uuliyiinta gobolka, degmada iyo saraakiisha amniga ayaa ugu baaqay shacabka ku nool magaalada Boosaaso in laamaha kala duwan ee amniga ay kala shaqeeyaan sugidda ammaanka magaalada Boosaaso si looga hortago waxyaabaha liddiga ku ah amniga guud ee gobolka gaar ahaan kan magaalada Boosaaso.
Source: Hiiraan Online