Madaxweyne Soomaaliya oo Beydhabo kula kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland

Baydhabo (Aftahannews)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Beydhabo kulan gaar ah kula qaatay madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Puntland Axmed Karaash oo halkaa u tagay ka qeybgalka munaasabadii caleemo saarka madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Lama oga wax ay ka wada heleen madaxweyne Famraajo iyo ku-xigeenka madaxweynaha Puntland, hasse ahaatee waxaa xusid mudan in dhawaan Puntland loo doortay hoggaan cusub oo laga filayo in ay wax ka badallaan xidhiidhkii hore dowladda dhexe iyo Puntland oo bilihii ugu danbeeyayba xumaa.

Madaxweynaha cusub ee Puntland oo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wareysigiisii ugu horeeyay markii xilka loo doortay ku sheegay in uu raacayo dastuurka Puntland waxa uu ka qabo xidhiidhka uu la leeyahay dowlada federalka.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa siweyn uga soo horjeeda siyaasada dowladda dhexe Soomaaliya, waxaana uu ka mid ahaa tirarka ugu waaweyn isbaheysiga dowlad gobolleedyada oo hadda u muuqda mid meesha ka sii baxaya.

Kulanka Madaxweyne Farmaajo uu la yeeshay Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa yimid kadib markii dhowaan uu sheegay Madaxweynaha dowlada federalka in uu wanaajin doono xidhiidhka kala dhexeeya dowlada federalka Maamul goboleedyada dalka.

 

Source: Hiiraan Online