Fannaan Caan ah oo Hees ka dhigay Gabaygii lagu xidhay Abwaan Abees

Hargeysa(Aftahannews)- Fannaanka Sir Maxamuud Cumar-yare, Abwaan iyo Musiishanna ah, ayaa Hees ka dhigay Gabaygii uu tiriyey Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo gabaygaa dartiiis loogu xidhay magaalada Hargeysa Sabtidii dhawayd oo ku beegnayd 12-ka bishan koowaad 2019-ka, welina uu ku xidhan yahay, loona diiday booqashada, sida ay qareennadiisu sheegeen.

Maxamuud Cumar-yare, waxa uu gabaygan ka dhigay hees uu ku luuqaynayo oo muusiko loo tumayo, laxankana isaga ayaa saaray, waxaana heestaas oo hadda la dhaho ama halku-dheggeedu yahay Siyaasi, dadka qaarna ugu yeedheen; “Ikhtiyaar ku maamulid dalkani miyaanu ka xoroobin?” oo Fannaanku qaadayo, idiinku soo gudbinaynaa muuqaal-dhegaysigan hoose ee ka bogasho wacan:-

Halkan hoose ka daawo muuqaalka;-

aftahannews.com

Aftahannews.com.