Darawal loo Maxkamadeeyey Jin uu jiidhay!

JIN NINKII JIIDHAY LA MAXKAMADEEYEY ETHIOPIA 2019
JIN NINKII JIIDHAY LA MAXKAMADEEYEY ETHIOPIA 2019

Jigjiga(Aftahannews)- Darawal gaadhi, ayaa loo maxkamadeeyey waxa Jin loo maleeyey oo uu sheegay inuu jiidhay. Waxaa jirta sheeko layaab leh oo ka dhacday magaalada Jigjiga, halkaas oo nin darawal ah uu sheegay in uu jiidhay gabadh ka dibna la waayey qofkii uu jiidhay raq iyo ruuxba.

 

JIN NINKII JIIDHAY LA MAXKAMADEEYEY ETHIOPIA 2019
JIN NINKII JIIDHAY LA MAXKAMADEEYEY ETHIOPIA 2019

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ninkii darawalka ahaa ayaa xabsi la dhigay ka dib markii uu qirtay inuu qof waddada ku jiidhay. Hase ahaatee garsooreyaashii maxkamadda ayaa dhageystay dalab uga yimid ninka reerkiisa oo ahaa waxa la jiidhay in uusan bani’aadan ahayn ee uu ahaa jin. Arrintaas ayaana horseedday in ninkii darawalka ahaa xabsiga laga siidaayo.

Garsoore Cabdulqaadi Maxamed Axmed oo ka talo bixiyey in la sii daayo ninkaasi darawalka ayaa sheegay in kiisku uu ahaa mid layaab leh isla markaana uu ku taliyay in ninka dareewalka ah la iska fasaxo.

”Kiiskaasi wuxuu ahaa kiis mucjiso ah oo ka dhacay dowlad deegaanka, cid kastoo maqashaana ay ku qosleyso. Gaadhi ayaa ka baxay Jigjiga inta aanu Kaaramardha gaadhin ayuu ninkii waday yidhi qof ayaan jiidhay, waa uu soo laabtay booliska nabad galyada waddooyinka ee taraafikada ayuu isku dhiibay oo arrintii uu u sheegay. Dib ayaa loo booqday halkii uu yidhi qof baan ku jiidhay balse raq iyo ruux waa la waayay, taraafikadii ayaana maxkamada u soo gudbisay kiiska” ayuu yidhi Cabdulqaadi Maxamed Axmed.

Muddo yar ka dib, dadka reer Jigjiga ayey arrintii gaadhay waxayna isla dhax qaadeen in ninka darawalka ah uu jiidhay haweeney jin ah. Balse garsoore Cabdulqaadi Maxamed Axmed, oo ka howl gala maxkamada guud ee dowlad deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in maxkamadu aysan go’aminin cida la jiidhay waxa ay tahay isla markaasina uu ka talo bixiyay.

”Maxkamada waxay ninka darawalka ah ku xukuntay 10 sano oo xadhig ah, iyo 100 Kun oo bir oo magdhaw, ka dibna kiiska anaga ayuu na soo gaadhay oo waxaa la igu yidhi ka talo bixi, waxaan ku idhi, hadii qofka la jiidhay raq iyo ruuxba aan la heynin, lab iyo dhidig wuxuu yahayna la aqoonin aan sii deyno ninka, ka dibna dadkii ay quseysay arrinta ayaa loo gudbiyay, ninkiina waa la sii daayay”, ayuu yidhi.

Garsoorihii hore ee maxkamada guud ee dowlad deegaanka Cabdulqaadi ayaa sheegay in ninka aanu u dhalanin degaankaaasi, isla markaasina ay suurta gal tahay inuu sakhqaansanaa oo uu sawirtay in uu qof jiidhay.

Waxaa kale uu sheegay in ninkaasi uu xidhnaa muddo 2 sano iyo badh ah. Dadka reer Jijiga qaarkood ayaa ila hada aaminsan in qofkii uu dareewalku sheegay inuu jiidhay uu ahaa qof jin ah.

Halkan hoose ka dhagayso Qisadan;-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.