Go’aan Fadeexad iyo Bahdilaad ah oo Baarlamaanka Soomaaliya Ansixiyey, Kiraynta Xilalka Qaranka iyo Fashilka Farmaajo!

XILDHIBAANNADA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO ANSIXIYEY IN AJAANIB LAGA DHIGO GUDDOOMIYAHA BAANKA DHEXE 2019
XILDHIBAANNADA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO ANSIXIYEY IN AJAANIB LAGA DHIGO GUDDOOMIYAHA BAANKA DHEXE 2019

Muqdisho(Aftahannews):- Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ansixiyey amma meel-mariyay xeerka Maamulka Baanka dhexe ee dalka oo wax ka beddel iyo kaabis lagu sameeyay, laguna daray in Dad ajaanib ah oo aan Soomaali ahayni madax ka noqon karaan Baanka.

XILDHIBAANNADA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO ANSIXIYEY IN AJAANIB LAGA DHIGO GUDDOOMIYAHA BAANKA DHEXE 2019
BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO ANSIXIYEY IN AJAANIB LAGA DHIGO GUDDOOMIYAHA BAANKA DHEXE 2019

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Fadhigii golaha shacabka ee isniintii maanta ee ka qabsoomay xaruntooda Muqdisho oo uu guddoomiyanayey Guddoomiyaha golahaas Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan, ayaa Xeerkaas oo ay xukuumaddu maalmo ka hor u soo gudbisay golaha, waxa ka dooday Xildhibaannada intii aan la ansixin ka hor oo min saddex daqiiqo la siiyey Mudanayasha hadlay, waxaana ka soo horjeestay dhawr Xildhibaan oo xaaraan ku tilmaamay in la oggolaado amaba laga doodo in ajaanib hay’adaha dalka ay maamulaan.

Hase-yeeshee, Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ee fadhiga ka qaybgalay, ayaa aqlabiyaddoodu oggolaadeen wax ka beddelka iyo kaabista xeerkaas, isla markaana 158 Xildhibaan ayaa oggolaaday, halka 17 Mudane ay diideen, cid ka aammustay may jirin, Guddoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayaanu ku ansaxay Xeerka oo hadda waajibinaya in dad ajaanib ahi maamuli karaan baanka dhexe ee qaranka Soomaaliya, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye Maxamed Mursal.

Wax ka bedelka xeerka Bangiga Dhexe gaar ahaan qodobka 130-aad,  ayaa ka dhigan in Bangiga dhexe ee Soomaaliya uu madax ka noqon karo shaqsi ajnabi ah,  kuna iman doona xeer loo cuskanayo xulidda Guddiga Agaasinka Baanka dhexe, kaasoo ay in qof kasta oo ugu dhibco sarreeya, karti ahaan, aqoon  ahaan iyo hufnaan uu noqonayo Guddoomiyaha Baanka dhexe ee federaalka Soomaaliya.

Shuruudda koowaad ee qabashada xilka maamulka Baanka dhexe, ayaa hore u dhigayey in Qofka loo dhiibayaa noqdo muwaaddin Soomaaliyeed, balse qodobkaas oo ah ka wax-ka-beddelka lagu sameeyey, lagana dhigay in qof kasta oo ajaanib ahi qaban karo maamulka Baanka. Waxaana la filayaa sida ay Warbaahintu aad u qaadaa-dhigaysay maalmahan in Qof ajaanib ah dhaqso loogu magacaabo Ruux aan Soomaali ahayn oo dalalka Yurub u dhashay siday wararka hordhaca ahi tibaaxayaan.

Waa markii ugu horreysay taariikhda ee Xeerarka hay’adaha dawladda federaalka Soomaaliya lagu daro qodobbo dhigaya ama jidaynaya in dad ajaanib amma shisheeye ah oo aan dhalashadooda iyo jinsiyaddooda midna Soomaali ahayni madax iyo maamul-ba ka noqon karaan hay’ad qaran oo ah Baanka dhexe ee dowladda Soomaaliya.

Arrintan ayaa ceeb, fadeexad iyo bahdilaad ku ah muwaaddiniinta Soomaaliyeed, waxaanay ku suntami doontaa naanaysta ka dhalanaysa go’aankan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, dowladdiisa, sida Xukuumadda uu dhisay Raysal-wasaare Xasan Cali Khayre iyo Baarlamaanka oggolaaday in Dad ajaanib ahi ka taliyaan ama maamulaan hay’adaha dawliga ah ee Soomaaliya, kuwaas oo aan ahayn dad buuxiyey shuruudaha muwaaddinnimada ama dhalashada ee noqon doona dad dibedda ka yimaadda oo shisheeye ah.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.