Maxaa kala Qabsaday Muuse Biixi iyo Abwaanka la Xidhay Aabbihii Abees?

MUUSE BIIXI IYO ABWAAN ABEES AABBIHII MAXAA KALA QABSADAY
MUUSE BIIXI IYO ABWAAN ABEES AABBIHII MAXAA KALA QABSADAY

Xadhiga Abwaan Cabdiraxmaan Abees, waxa uu i xusuusiyey sheeko Aabbihii Abees kaga sheekaynayey xadhiggiisii uu ka gabyey iyo waliba suugaantiisa oo aannu jeclayn, balse Madaxeyne Muuse Biixi ku qanciyey in uu u daayo isagoo Madaxweyne Muuse la dhacsanaa Suugaanta Ina Abees.

MUUSE BIIXI IYO ABWAAN ABEES AABBIHII MAXAA KALA QABSADAY
MUUSE BIIXI IYO ABWAAN ABEES AABBIHII MAXAA KALA QABSADAY

 

 

 

 

 

 

 

 

Ibraahim Abees oo ah Mujaahid ay walaalo yihiin Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland, sida aan taariikhda ku hayana ah qoys Suugaantoodu Hido-raac tahay, balse aan wakhtigan jeclayn inankiisu inuu ku shaqaysto Hal-abuurnimadiisa ayaa yidhi; “Habeen uun baan daawaday Telefishanka mise Gabadh heesaysa oo Weriyihii leeyahay waxa sameeyey C/raxmaan Abees, dabadeedna waan iskaga kacay qolkii Telefishanku yaallay. Ninkii aan isagoo Ingiriiska jooga aan ka xanaaqsanaa uun baa Hargeysa iigu yimi, dabadeedna guriga ii dhaaf baan ku idhi! Ma anigaad Heeso iila timid halkaan kaa filayey inaad wax-soo-taransato?”

Aabbo Abees waxa uu intaa raaciyey; “Maalmo markii uu iga madax-gadayey ayaaba waxa maalintii danbe ila soo hadlay Muuse Biixi oo u dacwiyaya oo leh; ‘waar inanka iskaga tag, maxaad Fanka ugu haysataa? Miyaanad ogayn dunida in uu ka leeyahay qiime weyn kuwan Soomaalida ah uun baa ku dhibaataysane?”

Aabbo Abees, sheeko dheer oo maslaxaaddii Madaxweyne Muuse ah buu halkaa mariyey, waxaanu ku soo gabagabeeyey in uu Muuse ku qanciyey in uu inanka u daayo Fankiisa.

Haddaba, Aniga xalay (habeenkii uu Suugaanta ku soo bandhigay Maansoor ee Jimcihii toddobaadkan), baa iigu horreysay muuqaalka Abwaan Cabdiraxmaan Abees, gabayga hore ee uu xadhiggiisa ka tiriyey oo aan dhegaystayna Aabbihii Ibraahim Abees, baa maalintaas ka sheekaynayey, Abwaankunna hordhiciisa waxa uu ku sheegay inuu maalintaas la xidhay tiriyey, balse laga codsaday inaanu baahin.

Inkasta oo uu daahay xadhiggiisu, dad badan oo madashii Maansoor joogay waxay filayeen waxa maanta dhacay oo dad badan baaba aan gabaygiisii danbe u joogin cabsidaa darteed.

Sabtidii markii la ii soo sheegay xadhigga Abwaan Abees, waxaan is weydiiyey maxaa loo xidhay Abwaanka, maaddaama Madaxweyne Muuse Biixi ku dirqiyey Aabbihii in uu daayo Fankiisa, isla markaana la dhacsanaa Fankiisa oo waliba aan ogahay Madaxweynaha laftiisu in uu yahay Reero Suugaaneed?

Sidaas daraaddeed; waxaan ku baaqayaa in xorriyaddiisa loo celiyo, aragtidiisana la tixgeliyo oo wixii la awoodo wax laga qabto dhalliilaha uga muuqaday. Allaa Mahad leh.

W/Q; Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto)/ Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA

Hargeysa/Somaliland.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.