UCID oo soo bandhigay sababaha uu xilka ku banneeyey Guddoomiye Ku-xigeenkii 1-aad ee Xisbigu

Hargeysa(Aftahannews)- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa maanta jawaab adag ka bixiyay eedaymo guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee xisbigaasi Cabdinaasir Buuni oo sheegay inuu isagu is-casilay, xisbiguna war ka soo saaray shalay, ayaa maanta Xisbigu ku celiyey in xilka laga qaaday oo aanu is-casilay, isla markaana soo bandhigay waxay ugu yeedheen sababaha xilka looga qaaday.

Shir jaraa’id oo ay si wada jira xarunta xisbiga UCID ugu wada qabteen Xoghayaha arrimaha gudaha Xisbigaasi Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) iyo guddoomiyaha xisbigaasi u qaabilsan gobolka Awdal Cabdirashiid Ibraahim Isaaq, ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen qodobada loo cuskaday xilka qaadistii ay maalintii shalay ahayd ku sameeyeen guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee Xisbigaasi Cabdinaasir Buuni.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka;-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.